Barlamaanka Puntland oo dib u dhigey la xisaabtanka xukuumadda Madaxweyne Deni

Golaha Wakiillada Puntland oo dib u dhigey la xisaabtanka xukuumadda Madaxweyne Deni

 


Xildhibaannada barlamaanka  Puntland ayaa Maanta dib u dhigey kulan ay kula xisaabtami la haayeen xukuumadda Madaxweyne Deni oo qabsoomi lahaa.

Kulanka ayaa waxaa kajiray Guux badan oo ahaa in Xildhibaannadu ay kalsoonida kala laabtaan qaar kamid ah wasiirrada.

Golaha Wakiillada ayaa ku balamay in kalfadhiga 51aad oo furmi doona dhammaad Bisha Octoober Shaqada la guda galo.

Kalfadihiga 50aad ee Golaha oo muddo badan furnaa ayaa sidaasi ku xirmay waxaana kalfadhiga 51aad uu furmi doonaa dhammaad October ee soo socata.

Dhanka kale Xildhibaanada ayaa isku raacay in fursad la siiyo madaxweynaha uu kusoo magacaabo maxkamada sare, xiligaana loo gudbo ansixinta wasiirada iyo garsoorka.

Developed by Jago Desain