Caalimkii weynaa ee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi oo geeriyooday

Allah ha u naxariistee waxa goor dhoweyd geeriyooday Caalimkii weynaa ee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi, sida baahisay Warbaahinta Aljazeera

 


Allah ha u naxariistee waxa goor dhoweyd geeriyooday Caalimkii weynaa ee Sheekh Yuusuf Al-Qardaawi, sida ay baahisay Warbaahinta Aljazeera.

Sheekh Yuusuf al-Qaradawi, oo u dhashay dalka Masar, islamarkaana ahaa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa sanadihii dambe waxa uu fadhiggiisu ahaa dalka Qatar.

Sheekha ayaa ka mid ahaa culimadii ugu saamaynta badnayd Caalamka Islaamka isaga oo qoray kutub aad u badan.

Sidoo kale Sheekha wuxuu si weyn uga hadli jiray arrimaha ka taagan Dunida Islaamka. 

Sheekh ayaa geeriyooday maanta oo Isniina xilli da’diisu ahayd 96 sano.

Developed by Jago Desain