Dab xooggan oo ka kacay haamaha warshadda qasaca kalluunka oo kutaal shixir ee Xadramout yaman

Dab xooggan ayaa ka kacay haamaha warshadda qasaca kalluunka ee Xadramout


Maanta oo Sabti ah waxaa dab xooggan uu ka kacay mid ka mid ah warshadaha ku yaalla magaalada Ash-Shihr ee gobolka Hadramuut ee dalka yaman.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dab xooggan uu ka kacay mid ka mid ah haamaha shidaalka naaftada ah oo ay leedahay warshadda "Posterine" ee qasacadaha kalluunka ee magaalada Ash Shihr.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in jawiga deegaanka uu qariyay qiiq aad u badan, waxaana laga arkayay meelo ka fog goobta uu dabku ka kacay.

 Wararka ayaa intaas Ku daraya in dabkaasi uusan geysan wax khasaare  nafeed, halka khasaaraha maadiga ah ee ka dhashay hantida warshadda lagu qiyaasay malaayiin.

Developed by Jago Desain