Daroogo Qiimaheedu dhanyahay 85 milyan oo Dollar oo lagu qabtay Doon Kalluumaysi

 


Baargaal Media (wakaladaha wararka) 

Ciidamada badda ee caalamiga ah ayaa la wareegay qiyaastii maandooriye heroin ah oo qiimihiisu dhanyahay 85 milyan oo dollar  oo saarnayd Doon kaluumaysi oo maraysay  badda cumaan, Talaadadii, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay guutada Shanaad ee Ciidamada Badda Maraykanka .

Waa kiiskii ugu weynaa ee daroogada ah ee wajaha ciidamada badda ee caalamiga ah ee ka howlgala gobolka inta lagu gudajiray sanadka 2022.

Bayaanka ayaa sheegay in inta lagu gudajiray hawgalka wadajirka ah ee (CT 150), ciidamada badda maraykan ay qabteen  2410 kiiloogaraam oo maanadooriyaha heroin ah oo ka gudbaya biyaha caalamiga ah.

guutada  CT 150 ayaa ka mid ah afarta koox ee shaqeeya ee ciidamada badda ee isku-dhafka ah (CMF), oo qayb ka ah iskaashiga aduunka ee hawlgalada Badda .

Admiral Brad Cooper, Taliyaha Taliska Bartamaha ee Ciidamada Badda Mareykanka,, ayaa yiri."

hawgalkan weyn ee lagu qabtay kammiyada intaas le'eg oo maanadoore ah ayaa muujinaysa dadaalka qotada dheer ee ka dhexeeya hawlgalayaasha caalamiga ah ee looga hortagaayo waxkasta oo carqaladaynaya ama khalkhal gelinya xasilloonida gobolka. Waan ku faraxsanahay hawlgalka guulaystay oo ay sameeyeen ciidamada isu dhafka ah ee  CMF, oo ay hogaaminayso  Saudi Arabia

Ciidamada badda ee isku dhafka ah ayaa ka kooban 34 dowladood oo ay ciidamahoodu ka shaqeeyaan Badda Cas, Gacanka caddan, waqooyiga Badda Carabta, Gacanka Cumaan, Gacanka khaliijka iyo Badweynta Hindiya.

Developed by Jago Desain