Khilaaf ka dhex qarxay mas’uuliyiinta dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh

Khilaaf ka dhex-qarxay mas’uuliyiinta dowladda Xasan Sheekh

 


Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka dhex taagan khilaaf xooggan oo ku aadan maareynta abaarta dalka ka jirta, waxaa sidaas shaaciyey wargeyska Africa Intelligence.

Mas’uuliyinta dowladda ayaa midba waxa uu wataa fikrad gaar ah oo ku saabsan sida loo maareynayo abaarta dalka ka taagan muddo ku dhow afar sano. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo uu madaxweyne Xasan Sheekh bishii May u magacaabay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan abaaraha, ayaa doonaya in dalka looga dhowaaqo xaalad deg deg ah, halka wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi uusan dooneyn arrintaas. Waxaa dhexdooda ku jira Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SDMA, oo isku dayeysa inay qiil u hesho jiritaankeeda.

Agaasimaha hay’adda SDMA Maxamed Macallin Cabdullaahi ayaa 18-kii September wuxuu warqad u qoray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, warqaddaas oo sidoo kale la ogeysiiyey madaxweyne Xasan iyo Fiqi, wuxuuna cabasho uga muujiyey wadashaqeyn la’aanta ka dhaxeysa hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo kheyraad la’aanta haysa hay’addiisa si ay ula dagaalanto abaaraha. 

Inkasta oo rasmi ahaan ay tahay hay’ad madax-banaan, haddana SDMA oo dib loo howl-geliyey kadib caleemo-saarkii madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa si aan toos aheyn xafiiska ra’iisul wasaaraha uga maamula Axmed Nuur, oo ah Somali Itoobiyaan la-taliye u ah ra’iisul wasaaraha.

Axmed ayaa horey u ahaan jiray xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xilligii Xasan Cali Kheyre, balse wuxuu markii xilka ra’iisul wasaaraha loo magacaabay kusoo dhowaaday Xamza, oo ay isku beel yihiin.

Agaasimaha SDMA Maxamed Macallin Cabdullaahi ayaa warqad uu qoray, oo uu arkay wargeyska Africa Intelligence, wuxuu caro uga muujiyey saameynta khilaafkan uu ku yeeshay wada-shaqeyntii kala dhaxeysay hay’adaha caalamiga ah, oo ay ugu weyn tahay QM, taasi oo madaxeeda arrimaha bani’aadannimada Martin Griffiths uu horraantii September u safray Soomaaliya.  

Sida ay ku warrameen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, Griffiths ayaa mogadishu u tagay inuu ka iclaamiyo in Soomaaliya ay gashay macluul kahor inta aanu daqiiqaddii ugu dambeysay ka laaban go’aankaas.

Waxaa sidoo kale khilaafka qeyb ka ah xafiiska madaxweynaha, oo la-taliye aan rasmi aheyn oo lagu magacaabo Aweys Xaaji Yuusuf, islamarkaana daacad u ah madaxweynaha, uu cadaadinayo inaan arrintan lagu dhaqaaqin, isaga oo ka cabsi qaba cawaaqibka siyaasadeed ee ka dhalan kara iclaaminta macluul.

Toddobaadkii tegay, madaxweyne Xasan ayaa mowqifkiisa geeyey shirka Golaha Guud ee QM, halka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale tegay New York uu soo saaray qoraallo qeylo dhaan ah. 

Sida ay ku warrantay QM, Soomaaliya ayaa u baahan $1.5 bilyan si ay uga jawaabto xaaladda deg degga ah ee bani’aadannimo, waxaana illaa hadda la helay wax ka yar 70% oo lacagtaas ka mid ah.

Developed by Jago Desain