Kooxda Barcelona Oo Hogaanka U Qabatay Horyaalka La Liga.

Barca Oo Hogaanka U Qabatay La Liga.


Kooxda Barcelona ayaa garaacday 10 xiddig oo Elche ah kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa u baahnayn in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay guuldaro kala kulantay kulankii champions League ee bartamaha todobaadka.

Xavi ayaa ku soo galay shaxdiisa ugu adag isaga oo doonayay in uu hubiyo in ay kooxdiisu hesho 3-da dhibcood ee kulanka.

Kooxda Elche ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 14-aad kadib markii kaadhka cas loo taagay kabtankooda Gonzalo Verdu kaas kooxdiisa kaga tagay 10 xiddig.

Barcelona ayaa laba jibaartay weerarada ay ku qaadayso kooxda Elche iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 34-aad ayay heleen goolka ay doonayeen waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Barcelona oo doonaysay in ay ciyaarta hurdo u dirto ayaa sii waday dadaalada ay ku doonayaan in ay ku dhaliyaan goolal kale.

Xiddiga Memphis Depay ayaa daqiiqadii 41-aad u dhaliyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 2/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay kooxda Barcelona dhinac walba kaga fiicnayd kooxda Elche una qalantay in ay hogaanka u qabato ciyaarta.

Qaybta dambe ayay Barcelona si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal kale oo ay ciyaarta ku dilaan.

Daqiiqadii 48-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo hogaanka ka dhigay 3/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul muhiim ah waliba si ku meel gaadh ah kula wareegtay hogaanka horyaalka La Liga.

Developed by Jago Desain