Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka degay Nairobi – Muxuu yahay qorshaha safarkiisa Kenya?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si caleemo

 


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka ambabaxay magaalada Muqdisho, isagoo u safray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto uu uga qeyb galo.

Wafdiga Madaxweynaha oo goordhow ka degay Nairobi waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Kenya iyo diblomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Talaadada berri ah ayaa la qorsheeyey in la caleema saaro madaxweynaha Kenya William Samoei Ruto, waxaana xafladaas ka soo qeyb galeysa madax aad u badan oo ka kala timid daafaha caalamka, kuwaas oo maanta ilaa caawa ku soo qul-qulaya Nairobi.

Caleemo-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa ka dhacaya Garoonka weyn ee Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi, waxaana ka soo qeybgalka xafladaan dhaarinta ah diiday ninkii sida weyn ugula loolamay xilka madaxtinimada dalkaas.

Raila Odinga oo doorashada looga guuleystay, isla markaana mar kale looga guuleystay dacwad uu u gudbiyey maxkamada sare ee dalka, kadib markii uu qaadacay natiijadii doorashada, ayaa hadda cadeeyey in xafladaas uusan ka qeyb geleyn.


 

Developed by Jago Desain