SAWIRRO: Taliyaha Qaybta Gobolka Gardafuu oo Booqday Saldhiga Degmada Baargaal

Taliyaha Qaybta Gobollka Gardafuu G/Le Shire Cabdi ismaacil oo kormeeray Saldhiga Degmada Baargaal

Taliyaha Qaybta Gobolka Gardafuu G/Le Shire Cabdi ismaacil  ayaa kormeer shaqo ku tagay Saldhiga Booliska Degmada Baargaal.

Booqashada Taliyaha ayaa ahayd u kuurgalida xaalada Shaqo ee Saldhiga ka socoto, waxaana kormeerkiisa ku wehliyaya Taliye Ku xigeenka Qaybta  .

Kormeerayaashan ayaa waxaa Saldhiga Degmada Baargaal ku soo dhaweeyay oo Warbixin ku siiyay Taliyaha Saldhiga Taliye Maxamuud Aadan Maxamed Yoote oo si faah-faahsan uga warbixiyay xaalada Saldhiga iyo sida ay u socoto shaqa dib u habaynta xarunta

Warbixinta kadib ayaa Taliyaha Qaybta gobolka gardafuu  G/Le Shire Cabdi ismaacil  wuxuu Saraakiisha Saldhiga iyo ciidamada Booliska kula dar-daarmay inay shaqada ay hayaan u gutaan si masuuliyad ay ku dheehan tahay.

Taliyaha wuxuu kormeeray qaybaha uu ka kooban Saldhiga  oo Qaybo kamid ah ay ku socoto dayactir maamulka iyo Bulshada Degmada Baargaal ay si iskaashi ah oo iskaa wax u qabso ah Ku Dayactiraayaan 











Developed by Jago Desain