Taliyaha booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo qarax lagu dilay

Taliyaha booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo qarax lagu dilay

 


Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegayanin goordhow qarax miino lagu dilay taliyaha booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaano Qaroole.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Marxuum Farxaan iyo askar la socotay ay qabsatay Miino, xili ay ku sugnaayeen deegaanka Basra oo dhacda inta u dhexeysa gobolada Sh.Dhexe iyo Sh.Hoose, waxaana jira askar la socotay taliyaha oo dhimasho iyo dhaawac ku noqotay weerarkan.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda dowladda oo xaqiijiyay geerida Qaroole ayaa tilmaamay inuu geeriyooday xili uu howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka waday deegaano dhaca duleedka Muqdisho oo intooda badan laga saaray kooxda Al-Shababa.

Geerida Qaroole ayaa la rumeysan yahay iney saameyn weyn ku yeelaneyso dowladda, kasokow inuu ahaa taliyaha booliska gobolka Banaadir, wuxuu sidoo kale ahaa taliyaha ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, wuxuu a ahaa sarkaal dhalinyara ah oo si dhow u yawaana xeeladaha dagaal ee kooxda Al-Shabaab.

Developed by Jago Desain