Default Image

Months format

Show More Text

Load More

Related Posts Widget

Article Navigation

Contact Us Form

Close
  • Home
  • Menu
  • _Short Codes
  • _About us
  • Sitemap
  • Contact us

BAARGAAL.NET

News & Information From Somalia

  • Home
  • News In English
  • featured
  • Video
  • Technology
  • Sports
  • Food
  • Menu
  • _Sitemap
  • _Contact Us

Warbixin : ciyaarta Bayern Munich Vs Barcelona ee Champions League-ga hordhaca, iyo Shaxda , saadaasha Kulanka

Ciyaaraha , ciyaaro , Horyaal   
Admin
September 13, 2022


kooxda Bayern Munich ayaa garoonkeeda Allianz Arena ku soo dhaweeneysa kooxda Barcelona kulan ka tirsan Champions league-ga Guruubka C.

Bayern ayaa 2-0 kaga badisay Inter Milan Arbacadii hore, halka Barcelona ay 5-1 kaga badisay Viktoria Plzen garoonka Camp Nou kulankoodii ugu horreeyay ee tartanka 2022-23.

Wararka Labada Koox

Bayern ayaa mar kale waayi doonta Kingsley Coman iyo Bouna Sarr kulankaan, laakiin kooxda heysata horyaalka Jarmalka ma aysan soo qaadin dhibaato caafimaad oo cusub kulankii Stuttgart.

Sane iyo Sadio Mane ayaa labadaba la filayaa inay ku soo laabtaan shaxda garoonka, halka Benjamin Pavard iyo Lucas Hernandez ay ku soo laaban doonaan daafaca.

Waxaa laga yaabaa inuu jiro hal bedel oo ku soo bilowday kulankii Inter ee Champions League usbuucii hore, iyadoo Gnabry badalay Coman, sidaas darteed Mane ayaa weerarka dhexe uga ciyaari kara kooxda martida loo yahay.

Dhanka kale Barcelona ayaa kulankan 25-cayaaryahan u qaadaneysa Munich, iyadoo Sergi Roberto lagu soo daray inkastoo uu seegay kulankii Cadiz sabtidii isagoo dhibaato muruqa ah ka qabo.

Haddii aysan jirin arrimo soo daahay, kooxda La Liga ka dhisan ayaa heli doonta koox taam ah, taasoo la micno ah in Xavi uu heysto dhowr dhibaato oo dhanka xulashada ah, gaar ahaan dhanka dambe.

Waxaa jiray isbedelo jumlo ah kulankii Cadiz sabtidii, laakiin Lewandowski, Pedri , Ousmane Dembele , Jules Kounde iyo Eric Garcia ayaa la filayaa inay ku soo laabtaan shaxda kulankaan.

Kounde ayaa ku soo bilaaban kara daafaca midig, iyadoo Ronald Araujo iyo Eric Garcia ay dhexda ku jiraan, halka Gavi iyo Pedri ay qarka u saaran yihiin inay ka garab ciyaaraan Sergio Busquets khadka dhexe, iyadoo Raphinha uu ka ciyaari doono seddexda hore.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Bayern Munich: Neuer; Pavard, De Ligt, L Hernandez, Davies; Kimmich, Sabitzer; Gnabry, Muller, Sane; Mane

Barcelona: Ter Stegen; Koonde, Araujo, E Garcia, Balde; Gavi, Busquets, Pedri; Raphinha, Lewandowski, Dembele

Xogta Ciyaarta

Tartanka Champions League-ga

Saacada 22:00 pm Waqtiga Geeska Africa

Garoonka Allianz Arena
Ciyaaraha ciyaaro Horyaal
Admin

Horyaal

Contact Form

Name

Email *

Message *

All Rights Reserved by BaargaalNet © 2023
Baargaal.Net is designed to provide reliable up to date news reports, studies and analysis on current issues and problems of concern to the local People encompassing political, social and cultural fields