Xog: Madaxwayne Saciid Deni oo qorsheynaya isbeddelo waaweyn

Xog: Madaxwayne Saciid Deni oo qorsheynaya isbeddelo waaweyn

 

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland, Dr Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii u horeysay lasoo warinaya in uu qorsheynayo sameynta isbedelo waaweyn oo dhanka xukuumadiisa iyo laamaha sirdoonka iyo amniga.

Waxaa lasoo warinaya in Deni uu qorsheynayo in uu kala diro golaha deegaanka ee Garoowe ee uu hogaamiyo Axmed Siciid Muuse (Axmed Barre), kaasi oo la doortey sanadkii 2018-kii, islamarkaana muddo xileedkiisa ka dhiman tahay 11 bilood.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale warbaahinta gudaha si hoose ula wadaagay in madaxweyne Deni uu shaqada ka cayrinaayo agaasimayaal muddo dheer xilka hayey, kuwaasi oo kamid yihiin Agaasimaha wasaaradda caafimaadka, Agaasimaha madaxtooyada Puntland, Agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha iyo Agaasimaha wasaaradda qorsheynta.

Xogta ayaa intaas kusii daraysa inay jirto magacaabid dhanka hay’adda sirdoonka iyo amniga ah, iyo Boosaaso oo loo magacaabayo maamul kumeel-gaar ah.

Qorshahaan ayaa hadduu si rasmi ah u dhaqan-geliyo Deni waxa uu noqon doona isbeddelkii ugu weynaa ee uu sameeyo, ayada oo si rasmi ah loo ogeyn sababta keentay in uu xiligaan kala diro gole deegaan oo waqtigooda uusan dhamaan.

Arrintaan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xili uu sii xoogeystay dagaalka siyaasadeed ee ka dhex qarxay madaxweyne Saciid Deni iyo kooxdiisa soo dhistay ee Aaran-Jaan.

Developed by Jago Desain