Hay'adda Waddooyinka Puntland oo Mar kale dhax dhigtay Dhismaha Wadada Lafa-Gorayo

Hay'adda Waddooyinka Puntland oo Mar kale dhax dhigtay Dhismaha Wadada Lafa-Gorayo

 

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Dawlad goboleedka  Puntland, Mudane Axmed Bashiir Muuse (Cirro) oo ay wehlinayaan Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda, Wasiir-dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland iyo Guddoomiyaha Hay'adda Waddooyinka Puntland ee PHA ayaa Dhagax-dhigay mar kale Dhismaha  mashruuca wadadda Lafa-Gorayo oo muhiim u ah isu-socodka gaadiidka Gobolka Gardafuu.

Dhagax dhiga cusub ee  Dhismaha wadada lafagoray markaan waxaa  wafdiga wasiirada ku weheliyay  Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka gardafuu gudoomiyaasha degmooyinka Baargaal iyo bareeda isuduwayaal, ,Taliska Qaybta Gobolka, isimo, Nabadoono, Dhalinyaro, iyo qaybaha kale ee Bulshadda Gobolka Gardafuu.

dhagax dhigan cusub ayaa imaanaayaa sanado kadib iyadoo aysan dawladda puntland waxna ka qaban dhagax dhigyadii hore oo xitaa shaqooyinka dayactirka ee caadiga ahaa aan laga fullin 

wadooyinka Gobolka Gardafuu ayaa u baahan Dayacir Ballaran  , iyadoo Bulshada Ku dhaqan Deegaanadaasi ay  ku adkeysata in wadooyinkooda ay yihiin kuwa ugu dayan oo ugu liita  Puntland iyo Soomaaliya aan wax mashruuc ah la soo gaarsiin

wadad maanta la dhagac dhigay dhismeeheda ee lafagoray   ayaa horay loogu dhisay iskaa wax u qabso , iyadoo aysan wadaddu  lahayn balac ku fillan oo gaadiidka isku dhaafi karaan , sidoo kalena gaadiidka ayaan badankood isticmaali karin marka laga reebo noocyo gaar ah.

Wadada Lafagoray ayaa horay u ahayd buur ay jeexeen dadka deegaankaasi oo adeegsanaya aaladaha qarxa ,  gacana ka helayay maamuladii Puntland horay usoo maray, waana qar ay hoos ka xigto badda Hindiya 







Developed by Jago Desain