Madaxweyne Deni Oo Amar Dul-dhigay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland

Madaxweyne Deni Oo Ammar Dul-dhigay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland

 


Madaxweynaha Dawlada  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda , halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda.

Madaxwayne Siciid Deni ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda maaliyadda oo la wadaagay shaqada socota, iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan ee lagu maamulayo wasaaradda maaliyadda.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku amray wasiirka cusub ee wasaaradda maaliyadda iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaasi in la dardargeliyo kor u qaadista dakhliga iyo adeega Dowladnimo ee Wasaaraddu u hayso Bulshada .

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan xilka ka qaaday wasiirkii hore wasaaradda maaliyadda Puntland,  xasan shire abgaal waxa uuna wasiir uga dhigay wasaaradan Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo horey u ahaa wasiirka arrimaha gudaha Puntland

Developed by Jago Desain