Milatariga Soomaaliya oo sheegay inuu dhintay Afhayeenkii Shabaab Cali Dheere

Milatariga Soomaaliya oo sheegay inuu dhintay Afhayeenkii Shabaab Cali Dheere

 

Warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada Milatariga ee SNA Radio ayaa tabisay in Afhayeenka guud ee Al-Shabaab Cali Dheere uu Axadii ku geeriyooday deegaan ka tirsan gobolka Sh.Dhexe.

Sida lagu sheegay warka ka soo baxay ciidamadda, Cali Dheere ayaa u geeriyooday dhaawac daran oo Khamiistii 29-ka September ka soo gaaray dagaal ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle, iyadoo dhaawiciisa lagu dabiibayay maalmahan degmada Aadan Yabaal.

“Xog muhiim ah oo warbaahinta codka ciidamada SNA RADIO ay ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeysa in afhayeenka argagixisada Al-Shabaab dhagar qabe Cali Dheere Axaddii lasoo dhaafay 04:30 galabnimmo uu ku geeriyooday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri warka Milatariga.

Si dhab ah looma xaqiijin karo sheegashada Ciidanka, iyadoo dhowr jeer oo hore la tabiyay geerida Cali Dheere walow mar danbe uu soo hadli jire, iyadoo Shabaab aysan ka hadal wararka ku gedaaman xaaladda Afhayeenkoodii Cali Dheere.

Dowaldda Soomaaliya ayaan sidoo kale si rasmi ah uga hadal geerida lagu sheegay Cali Dheere, waxeyna arrintan kusoo beegantay maalmo yar kadib markii duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe lagu dilay Cabdullaahi Nadiir oo ka mid ahaa aas-aasayaasha kooxda Al-Shabaab.

Haddii sida Raadiyaha ciidanka wax u sheegay ay u jiraan waxey ka dhignaan doontaa Sarkaalkii labaad oo xiriir ah oo Shabaab laga dilo, taasoo saameyn ku yeelan doonta howlgaladooda ka socda gobolada dalka.

Developed by Jago Desain