sawiro: Degmada Baargaal oo laga furay Garoon Roog ah markii ugu horaysay

 


Munaasabad si Heer Sare ah Loo Soo Agaasimay oo Lagu Daahfurayay Saymo Roob Baargaal  Stadium ayaa waxaa Ka qaybgalay qaar ka tirsan maamulka degmadda ,Salaadiin Nabadoono Waxgarad, Haween ,Dhalinyaro iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Degmada Baargaal.

Ugu Horayn samadoon Saalax Cumar samatar oo Goobta ka Hadlay ayaa ka warbixyay heerarka uu Garoonkani soo maray iyo cidda dhisitaankeeda laheyd isagoo sidoo kale  sheegay in ay uga danleeyihiin is dhex galka Dhalinyarada iyo in horumar laga gaaro dhinaca sportska degmadda.

Sidoo kale Masuuliyiinta Maamulka degmadda, Isimo iyo Nabadoono oo Goobta ka hadlay ayaa dhankooda hambalyeeyay Garoonkan Cusub ee la furay waxa ay ku amaaneen cid kasta oo gacan ka geysatay dhismaha garoonkaan cusub iyagoo sheegay iney ka qeyb qateen  hurumarka Deegaanka iyagoona ugu baaqay inay halkaas kasii wadaan.

Waxaa Si qurux badan Looga Furay Magaalada Baargaal Garoon Wayn oo Roog Ah  

Furitaanka Garoonka rooga SAYMO ROOB BAARGAAL STADIUM ayaa Waxaa ka soo Qayb galay Isuduwaha Degmada Baargaal C/xakiin Abshir Muumin iyo  Godmiyaha sports Degmada Baargaal Mudane C/raxmaan siciid Cali Saalax (Kaptan Booca) ,  Ciyaartooy , Odoyaal , gacnacsato Iyo Taaagerayaal . waxgaradkii ka hadlay madasha Furitaanka ayaa la dardaarmay dhalinyarad inay ilaaliyaan akhlaakhda kana faaidastaan garoonka cusub 









Developed by Jago Desain