BOOLIISKA PUNTLAND OO HAWLGAL KU QABTAY KHAMRI IYO XASHIISH

BOOLIISKA PUNTLAND OO HAWLGAL KU QABTAY KHAMRI IYO XASHIISH

 


Ciidamada Booliska Gobolka Nugaal Ayaa Howl Gal Ay Ka Sameyeen Magalooyinka Garowe Iyo Burtinle Ku Soo Qabtay Xashiishad Iyo Khamri Dadkii Watay Iyo Gaarigii Lagu Waday.

Ciidamada booliska Nugaal ayaa xalay ku guleystay inay Kantaroonka Burtinle ku qabtaan 26 Duub oo waa wayn oo Xashiish ah kuwaasi oo lagu soo qariyay dhar dhexdooda iyagoona sido kale haya Qofkii waday iyo Gaarigii lagu waday waxaana socda baritaan isagoona sharciga la horgayn doono marka la soo gaba gabeyo baritaanka.

Sido kale howl galo ka socday habeenadan ayay ciidamada amaanka Caasimadda Putland ee Garowe waxay ku soo qab qabteen Dubaab Xashiisha oo la diyaariyay iyo dhow cagadood oo khamri ah iyo dadkii watay waxaana socda baritaan si sharciga loo horgeeyo.

Taliyaha qaybta booliska G.Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa u mahadceliyay ciidamada booliska,Sarakiishooda iyo Bulshada sida dhow ula shaqaysay ee xogta u soo gudbiyay.

Taliyaha qaybta Nugaal G/sare Xuseen Cali ayaa sido kale xusay in dalacsiin uu u raadinayo ciidamada booliska ee juhdiga ku bixinaya sidii loo sulin lahaa Mandooriyaha isagoona sido kale faray ciidamada iyo saraakisha in la sii labo jibaaro howl galada lagu la dagaalamayo Mandooriyaha.

Developed by Jago Desain