Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal ka dhax socda xarunta gobolka Banaadir

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal ka dhax socda xarunta gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin lasoo badbaadiyay

 


Weerar qarax ismiidaamin ah ku bilowday ayaa lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kaddib xarunta gobolka Banaadir gudaha u galay dabley hubeesan oon la ogeyn tiradooda rasmiga ah.

Rasaas xooggan oo u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa hubeesan ee weerarka qaaday ayaa laga maqlayaa gudaha xarunta gobolka, waxaa sidoo kale halkaasi ka dhacay qaraxyo kale oo loo maleenayo in ay yihiin ismiidaamin.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo galay gudaha xarunta gobolka Banaadir ayaa halkaasi kasoo badbaadiyay masuuliyiin badan ay ku jiraan guddoomiye kuxigeennada gobolka Banaadir, agaasimayaal iyo shaqaale kale.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyada iyo weerarka tooska ah ee lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, waxaana halkaasi gaaray ciidamo badan oo katirsan dowladda kuwaa oo doonaa in weerarka soo afjaraan.

Rasaas xooggan ayaana wali ka dhax dhaceysa xarunta gobolka Banaadir, waxaana waddooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa xarunta gobolka Banaadir xiray ciidamada ammaanka gaar ahaan booliiska iyo nabbad sugida.

Developed by Jago Desain