Isuduwaha Wasaaradda Shaqada shaqaalaha Dhalinyarada iyo cayaaraha ee Gobolka Gardafuu oo la kulmay...

Isuduwaha Wasaaradda Shaqada,shaqaalaha Dhalinyarada iyo cayaaraha ee Gobolka Gardafuu

 


Isuduwaha Wasaaradda Shaqada,shaqaalaha Dhalinyarada iyo cayaaraha ee Gobolka Gardafuu mudane cabdullaahi siciid dirir ayaa maantay kulan la qaatay Dhalinayarada degmadda Baargaal

Kulan kaan oo ujeedkiisu ahaa xog wareysi uu Isuduwaha la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka degmadda oo ugu horreeyo Gudoomiyeha Degmadda Baargaal mudane Cabane Caynab muuse,

Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay ururada Dhalinyarada,haweenka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda degmadda Baargaal 

Isuduwaha ayaa sheegay in wasaarada shaqada,shaqaalaha,Dhalinyarada iyo cayaaraha ay diyaar u tahay iney wax ka qabato baahiyaha ka jira guud ahaan gobolka,isagoo sidoo kale sheegay in dhalinyarada degmadda Baargaal ay kala  shaqeeyaan sidii wax looga qaban lahaa horumarinta Dhalinyarada iyo cayaaraha.

Ugu danbeyntii Isuduwaha ayaa ugu baaqay bulshada gobolka gardafuu gaar ahaan Dhalinyarada iney ka qeyb qaataan Isdiwaangelinta codbixiyaasha Doorashooyinka golayaasha deegaanka dawladda puntland.









Developed by Jago Desain