Wasiirad Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Wasiirad Caawa Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

 


Farxiyo Cabdi Waasuge oo ahayd Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Galmudug ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Warta Nabadda waaxda saddexaad ee Horseed.

Dabley hubeysan ayaa la sheegay in dileen marxuumada inkastoo aan faahfaahin laga bixin qaabka uu dilkaas ku yimid.

Geerida Farxiyo Cabdi Waasuge ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyey masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Marxuumada ayaa ka mid aheyd wasiiradii uu dhowaan magaacabay Madaxweyne Qoorqoor, waxayna dhowaan ka soo laabatay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug oo ay muddo kooban soo joogtay.

Waxay ka soo jeeda beesha Saruur ee Habargidir oo dhawaan guluf ka dhan ah Al-Shabaab ku qabsatay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo fariisin muhiim ah u aheyd kooxda Al-shabaab

Al-shabaab horey u ugaarsi u muuqda mid aargoosi ah ugu dishay xubno isugu jiray waxgarad, ganacsato iyo dad kale oo ka soo kala jeeda beelaha kula dagaalamaya gobolada dhexe ee dalka

Developed by Jago Desain