Barcelona Oo Waqti Dambe Ka badisay Real Madrid, 12 Dhibcoodna Ku Qabatay Hoggaanka LaLia

Elclasico Nabad Kuma Dhamaan , Barca Horyaalka Sanka Ayuu U Saaran Yahay Xilli Real Ay Ka Badiyeen

 

Franck Kessie ayaa waqtigii geerida wax auu guul qaali ah ku hogaamiyay Barcelona kuwaasi oo 2/1 kaga badiyay Real oo marti u aheyd

Sheekada qeybta hore : Barcelona biloowgii waxa ay ciyaareen kubad cadaadis leh balse nasiibka uu ka maqnaa marka la eego fursadihii ay ku heleen Real kuwaasi oo uu bad baadinayay goolhayaha.

Inkastoo lagu nastay min hal gool , hadana ciyaartaan wax waliba waa u furneyd oo laga filan karay , Real goolka iyaga ayaa ku horeeyay ka dib kubad uu laaday JR waxaa madaxeeay Arujo oo shabaqiisa dhigay waxa ayna aheyd daqiiqadii 9-aad halka Barcelona iyana bar bar dhac heleen waqtigii dheeriga qeybta labaad waxaana u saxiixay Sergi Roberto

Barcelona qeybtaas hore bandhgiooda waa wacnaa halka Real iyana ku tiirsaneyd kubadaha laga dhisayay garbaha balse wiilasha Xavi daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen .

Marka la eego dhanka kubad haysashada xoogaa Barca ayaa ku sareeysay balse dhanka Real halis gilin badan ma jirrin waxa ayna ku tiirsanaayeen kubadaha rogal celiska ah .

Soo laabashadii, ma jirrin halis gilin badan labada kooxna kubada waa qasaariyeen marka cagtooda soo gasho inkastoo Barcelona baxsad u aheyd dhanka shabaqa RealBiloowga qeybta labaad , waxaa ka xaraarad badneyd middii hore , waxa ayna Barca ku guuleysteen xakameynta halis waliba oo ka imaan kartay dhanka Benzema

Goolhaye Real aad ayuu u foojignaa waxa uuna Barca u diiday gool daqiiqadii 63-aad , waxaana Real ku adkaa qeybahaas in kubadda horay u soo  jiida

Qeybihii dambe ciyaarta waxa ay aheyd mid u furan labada dhinac , foojignaan dhanka daafaca iyo dagaalka qadka dhexe ayaa taagnaa xili Barca daqiiqadii 73-aad laga bad baadiyay gool xaqii aha

Real rogaal celiska ayay ku tiirsanaayeen  waxa ayna ugu damabeyn daqiiqadii 80-aad  heleen gool uu saxiixay Assensio oo badal ku soo galay ciyaarta daqiiqadii 77-aad balse Var ayaa diiday sababo offside ahaan la xariirta

Real dhamadkii isku dayo ayay sameynayeen gool raadis ayay ahaayeen xilli kubadooda ay soo gaareysay aagga goosha Barcelona  balse Xavi wiilashiisa marka ay tagaan aagga Real halis ayay ahaayeen waxa ayna ugu dmabeyn waqtigii dheeriga heleen gool uu saxiixay Frank Kessie kaasi oo badel ku soo galay daqiiqadii 77-a

Kulanka ayaa ku dhamaaday 2/1 oo ay Barca ku badisay kuna dheereysatay horyaalka La Ligaha .ad .a.an


Developed by Jago Desain