degdeg : Messi oo u saxiixay Al-Hilaal 3 xilli ciyaareed

degdeg ah: Messi ayaa u saxiixay Al-Hilaal 3 xilli ciyaareed

 


Suxufiga reer Talyaani ee Rudi Galletti, oo ah weriyaha Sky Italia, ayaa daaha ka qaaday tafaasiil cusub oo la xiriirta heshiiska kooxda Al Hilal Saudi Club ay la gashay ciyaaryahanka reer Argentina ee Lionel Messi, isagoo carabka ku adkeeyay in kooxda Sucuudigu ay haatan isku diyaarinayso inay si rasmi ah u soo bandhigto heshiiska.

Wariyaha caanka ah ee reer Talyaani ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku yidhi: “Kadib kulankii wanaagsanaa ee dhawaan dhex maray Al Hilal iyo Messi, kooxda Saudi Arabia ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab rasmi ah ka gudbiso xiddiga reer Argentine”.

Wuxuu ku daray bartiisa twitter-ka: “Waxaa la sheegay in heshiiska lagu gaaray 400 milyan oo dollar sanadkii, taasooah laba jibaar  lacagta uu xiddiga Portugal u dhashay eeCristiano Ronaldo uu ka helo kooxda Sacuudiga ee alnasar ($ 200 milyan sanadkii), iyadoo  wasaaradda ciyaaraha Sacuudiga ay door ka qaadan doonto  taageeridda wadahadallada, si ay u fududaato gunaanadka heshiiska."

Developed by Jago Desain