Faahfaahin:-Gudoomiyihii Maxkamada Wadajir Oo Lagu Dilay Muqdisho

Faahfaahinta:-Gudoomiyihii Maxkamada Wadajir Oo Lagu Dilay Muqdisho

 


Gudoomiyihii hore ee Maxkamada degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Sheekh Maxamuud Caraale ayaa u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray rasaas ay ku fureen dabley hubeysan oo weerar ku soo qaaday.

Marxuumka ayaa ka mid ahaa culimada ku xeeldheer garsoorka ee laga yaqaanay degmada Wadajir oo uu ka soo shaqeeyey in muddo ah.

Laamaha amaanka dowlada Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir ayaan ka hadlin illaa hadda dilka loo geystay Sheekh Maxamuud Caraale.

Weli ma jirto cid sheegatay dilka Gudoomiyihii hore ee Maxkamada degmada Wadajir inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal adag kula jirta DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Developed by Jago Desain