Messi oo ka hadlay heshiiska uu la galay kooxda Sucuudiga ah ee Al Hilal oo uu mushahar uga qaadanayo 400 milyan

Messi ayaa ka hadlay heshiiska la sheegay in uu la galay kooxda Sucuudiga ah ee Al Hilal oo uu mushahar uga qaadanayo lacag ka badan 400 milyan

 


Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa ka hadlay heshiiska la sheegay in uu la galay kooxda Sucuudiga ah ee Al Hilal oo uu mushahar uga qaadanayo lacag ka badan 400 milyan oo sannadkii ah, kaas oo maanta gellinkii hore ay saxaafadda Ingiriiska iyo Faransiisku soo tabiyeen.

Aabaha dhalay Lionel Messi ayaa war-saxaafadeed uu hadda soo saaray, waxa uu ku sheegay in aanu jirin wax heshiis ah oo uu wiilkiisa Lionel Messi la gaadhay kooxdaas iyo mid kale toona, balse ay go’aamin doonaan dhamaadka xilli ciyaareedka kaddib.

Jorge Messi oo ka sokow in uu dhalay Lionel Messi sidoo kale ah wakiilka laacibkan ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi: “Haba-yaraatee ma jiro wax heshiis ah oo aanu la gaadhnay kooxda xigta. Waxa aanu go’aamin doonaa dhamaadka xilli ciyaareedka

Marnaba go’aan ma gaadhi doono ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan oo aanu Paris Saint-Germain joogno. Magaca Leo mar walba waa la isticmaalaa oo la wareejiyaa laakiin waxa aan xaqiijinayaa in aanu jirin wax heshiis ah oo la saxeexay, la gaadhay ama xataa af ahaan la iskula qaatay, mana dhici doonto illaa inta laga gaadhayo dhamaadka xilli-ciyaareedka

Developed by Jago Desain