Default Image

Months format

Show More Text

Load More

Related Posts Widget

Article Navigation

Contact Us Form

Close
  • Home
  • Menu
  • _Short Codes
  • _About us
  • Sitemap
  • Contact us

BAARGAAL.NET

News & Information From Somalia

  • Home
  • News In English
  • featured
  • Video
  • Technology
  • Sports
  • Food
  • Menu
  • _Sitemap
  • _Contact Us

Mareykanka oo sheegay inuu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

alshabaab , DFS   
Admin
July 21, 2023

 


Ciidamada milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika ayaa sheegay inay duqayn cusub la beegsadeen maleeshiyaadka ururka al-Shabaab iyaga oo taageeraya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in kadib markii codsi ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya ay ciidamada Maraykanku fuliyeen duqayn is-wada difaac ah oo lala beegsaday Al-Shabaab July 19-keedii.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY AFRICOM

Ka dib codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa weerar is-difaacid ah oo wadajir ah waxaay ka fuliyeen deegaan fog oo ku dhow Hareeri Kalle, kaasoo qiyaastii 15-KM dhanka Koonfureed kaga beegan Galcad, Soomaaliya, halkaasoo lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab.

Weerarkan oo ahaa mid cirka ah ayaa lagu taageerayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal kula jiray kooxda argagixisada ah.

La shaqeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qiimeynta ugu horreysa waxa ay tahay in duqeynta Mareykanka ay ku dileen 5 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabooyin aad u wanaagsan si looga hortago waxyeelada rayidka. Ilaalinta rayidka ayaa ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado Afrika ammaan badan oo xasilloon.

Al-Shabaab waa shabakadda al-Qaacida ugu weyn uguna firfircoon ee caalamka waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto saaxiibada iyo ciidamada Mareykanka waxayna halis ku tahay danaha amniga Mareykanka.

Soomaaliya ayaa weli fure u ah deegaanka amniga ee Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay u wiiqaan al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan, waxaana ay bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ku habboon.


-DHAMMAAD-

alshabaab DFS
Admin

DFS

Contact Form

Name

Email *

Message *

All Rights Reserved by BaargaalNet © 2023
Baargaal.Net is designed to provide reliable up to date news reports, studies and analysis on current issues and problems of concern to the local People encompassing political, social and cultural fields