Default Image

Months format

Show More Text

Load More

Related Posts Widget

Article Navigation

Contact Us Form

Close
  • Home
  • Menu
  • _Short Codes
  • _About us
  • Sitemap
  • Contact us

BAARGAAL.NET

News & Information From Somalia

  • Home
  • News In English
  • featured
  • Video
  • Technology
  • Sports
  • Food
  • Menu
  • _Sitemap
  • _Contact Us

“Lama aqbali karo in Niger la weeraro!” – Erdogan oo digniin dadban u diray Faransiiska

wararka caalamka   
Admin
August 24, 2023



Turkiga ayaa sahminaya sida ay door muhiim ah uga qaadan karto soo celinta nidaamkii dimoqraadiyada ku dhisnaa ee Niger, halkaasoo militerigu ay la wareegeen awoodda bishii hore, sida uu yiri Madaxwayne Recep Tayyip Erdogan.


Inqilaabka dalkaasi ayaa waxa uu keenay cunaqabatayn iyo hanjabaadda faragelin hubaysan oo kaga iman karta dalalka gobolka.


Madaxwaynaha Turkiga oo la hadlayey warfidiyeennada xilli uu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Hungary isagoo saarnaa diyaaraddiisa, ayaa waxa uu waxaan la aqbali karin ku tilmaamay qorshaha ay wadaan ururka ECOWAS oo ah urur goboleedka Galbeedka Afrika, kaasoo ay ku doonayaan in ay dalkaa ku geeyaan ciidamo ka dhan ah hoggaamiyayaasha afgembiga Niger

Isbahaysiga ECOWAS ayaa ugu baaqay Dowladda millateriga ah ee Niger inay sii dayso Madaxwaynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazoum iyo inay dib ugu soo celiyaan xukunkiisa.


“Ma fahmin go’aanka uu Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) xaq ugu leeyahay inuu faragelin millateri ku sameeyo Niger. Faragelinta millateri ee Niger lagu sameeyaa waxay la macno tahay in xasilloonidarri ay ku fidayso wadamo badan oo Afrikaan ah,” ayuu Erdogan ka digey.


Maamulka Galbeedka Afrika ayaa diyaariyey “ciidan heegan ah”, kuwaas oo ay sheegeen in loo isticmaali doono weerarka Niamey si loogu soo celiyo nidaamkii la afgembiyey haddii ay fashilmaan dadaallada diblomaasiyadeed ee ay “doorbidayaan” hadda.

Hadalladiisa, Erdogan wuxuu ku sheegay in Turkigu uu sii wadi doono taageerada Niamey, isagoo aaminsan in “dadka Niger ay hanan doonaan dimoqraadiyadda ayna aadi doonaan doorashooyin sida ugu dhaqsaha badan.”


Hadalka Erdogan ayaa digniin dadban u ah Faransiiska iyo reer Galbeedka oo gadaal ka taagan ciidamada ay Nigeria hoggaaminayso ee heeganka la geliyey.

wararka caalamka
Admin

wararka caalamka

Contact Form

Name

Email *

Message *

All Rights Reserved by BaargaalNet © 2023
Baargaal.Net is designed to provide reliable up to date news reports, studies and analysis on current issues and problems of concern to the local People encompassing political, social and cultural fields