Maamulka Gobolka Raascasayr oo soo saaray amar lagu joojinayo ajaanibta iyo hay'adaha fasax la'aanta ku galaya Gobolka

Maamulka Gobolka Raascasayr oo soo saaray amar lagu joojinayo ajaanibta iyo hay'adaha fasax la'aanta ku galaya Gobolka

 


wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka raascasayr Mudane Cumar Cismaan Siciid kuna taariikhsanayd 11 dec 2023 tixraaceeduna ahaa REF: XG/GRCS/DPL/ 036 ayaa gudoomiyuhu amar ku bixiyay in la hubiyo Ajaanibta iyo hayadaha soo galaya Gobolka RaasCasayr lana joojiyo hadeysan heysan ogolaanshaha Maamulka gobolka.

wareegtada ayaa lagu yiri Waxaa jira ajaaniib iyo hay'ado imanaaya gobolka ras-casayr oo aan haysan ogolaanshaha gobolka xogna laga hayn shaqada ay qabanayaan.
Hadaba waxaa lafarayaa taliyaha qaybta booliiska gobolka Raas-casayr iyo dhamaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Raas-casayr in aad joojisaan Ajaaniibta iyo hay, adaha soo gelaaya gobolka oo aan wadan warqada ogolaanshaha gobolka.

Arintaani waxay laf dhabar u tahay dawladnimada, dhowrist deegaanka iyo nabad galyada ajaaniibta iyo hay'adaha ka shaqeeya horumarinta iyo gargaarka.

halkan ka daalaco wareegatda gudoomiayaha Gobolka



Developed by Jago Desain