Baargaal
oo ah magaalo wax badan oo xiiso leh laga xusi karo, ayaa qoraalkani wuxuu soo
bandhigayaa taariikhdeedi soo jireenka ahayd, horumarka wanaagsan ee hadda ka
socda, qaabka mowqiceeda juquraafi ee muhimka ah iyo nooca bulshada ku dhaqan.
Waxaad sidoo kale halkan kaga bogan doontaa sawiro badan oo muujinaya muuqaalka
dhabta ah ee magaalada, kheyraadkeeda, taariikhdeeda iyo xogo kale oo lifaaq
ah.
2.
Taariikhda wanaagsan ee ay Magaaladu leedahay:
inta laga taariikheeyo Baargaal
waxay magaalo ahayd 250 sano (laba qarni iyo bar). Waxaana suurtagal ah inay
mudadaas ka hor magaalo ahayd. Jiritaankaas dheer ee magaaladu leedahay waxaa
ku dahaaran taariikh dahabi ah oo gobolku ku naaloodo.
Muddo
nus qarni ka badan (1870-1924) waxay xarun u ahayd guddoonkii dhaqan ee dadka
gobolada woqooyi bari
lahaayeen. Taasoo derejada dadnimo ee dadka gobolka sare u qaadaysa marka loo
eego badanka dadyowgii soomaaliyeed ee waqtigaas warmoolayda aan kala danbaynta
lahayn ahaa.
Baargaal
waxaa gumaystihii ka hor ka hanaqaaday ganacsi wadanka gudihiisa ah iyo mid
caalami ah. Macaamiilkii ganacsi ee ka dhexeeyey magaalooyinka soomaaliyeed ee
fara-ku-tiris-ka ah iyo ummadaha ay ka mid yihiin Carabta, Hindida iyo
Sawaaxiliga ee waqtigaaas ayay Baargaal waxay ka qaadatay qayb libaax. Culuumta badda iyo farsamadeeda ayaa dadka
magaaladu xiligaas ku horumareen. Waxaa arrin lagu faano ah in doonyo
samayskooda reer Baargaal hindiseen, oo ay aaladdii laga sameeyey dhulkooda
kala soo baxeen, oo ay xeebta magaalada ku dhiseen, inay badda dhigaan oo ugu
gooshaan magaalooyin ay ka mid yihiin Cadan, Mukula, Basra, Mombasa, Daarasalaam,
Zinjibar iyo Bombay.
Waxaa
Baargaal taariikh ahaan lagu ammaana inay lahaan jirtay culumo diinta islaamka
buuniyaal ku ahayd. Kuwaasoo meelo fog-fog looga soo tacjiili jiray. Waxaa
xusid mudan inta badan culimadaasi inay fadhi rasmi ah magaaladu u ahayd
waqtiyadii gumaystaha iyo ka horba. Taasoo ka duwan alabkii culumadii
soomaaliyeed ee weeqaaran jiray hadba sabadii u samaata. Waxaana lagu liibaanay
baristii, xukunkii iyo wacdigii diinta islaamka ee culimadaas.
Baargaal
waxay safka hore kaga jirtaa meelaha dagaalada gumaysi-diidka ahi ka dheceen,
Dhammaadkii 1924kii ilaa 1925kii. Dagaaladaas oo ka dhan ahaa gumaystihii
Talyaaniga waxaa loo huray naf iyo maal tiro badan. Masaafadii iyo dhismihii ay
Baargaal ku fadhiday mudadaasna gebi ahaanba waa burburtay, iyadoo aasaarteedii
hadda loo xusuus tago.
Waqtiyadii
gobonimo doonka, Baargaal waxay ahayd xarun wayn oo xisbiga Leegadu lahaa
(SYL). Dadka reer Baargaalna dhammaantood waxay ahaayeen xubno xisbiga ka
tirsan oo u dagaalamayey gobanimada Somaliya.
Xiligii
daakhiliga iyo midkii dawladihii rayidka ahaa Baargaal waxay ahayd
degmo-ku-xigeen (sub-district) leh maamul dawlad hoose oo la doorto, saldhig
booliis, maxkamad iyo xafiis canshuur qaadid dhexe (custom office) kuwaasoo si
buuxda u shaqaynayey.
Baargaal
waxay aqoonsiga degmanimo heshay dhammaadkii 1980aadkii, iyadoo isku mar la
wada magacaabay degmooyinka Xaafuun, Ufayn, Rako iyo Waaciye. Qoraalkan waxaa
ku lifaaqan wareegto ka soo baxday wasaaradii arrimaha gudaha ee Soomaaliya,
taariikhdu markii ay ahayd 25/07/1990, oo loola jeeday in lagu dardargeliyo
hawlaha degmooyin dhowr ah oo Baargaal ka mid tahay kuwaasoo waqtigaas ka hor
la abuuray.
Taariikhdan
oo si guud mar ah aan hadda u sheegayno waa mid qaadaa-dhigeedu u baahan yahay
qoraal intaa ka badan, horayna wax badan looga qoray. Waxaa la aaminsanyahay
waqtiyadii dawladii dhexe qoraysay taariikhda wadanka,sida gobonimo u dirirkii
iyo ilbaxnimadii ummada soomaaliyeed, in taariikhda Baargaal iyo sare u qaadida
maqaamkeeda siyaasadeed la gacantogaaleeyey.
3. Horumarka hadda ka
jira Magaalada:
magaalada
Baargaal waxaa ka jira horumar ka wanaagsan midka deegaanada kale ee la deriska
ah. Mudadii burburka qaran lagu jiray, Baargaal waxay ka mid noqotay
magaalooyinka Puntland ee bulsho ahaan u cammirmay. Dadkii qaxa koonfureed ka
soo nabad-noqday, ee awalkii hore asalkoodu ahaa magaalada, ayaa in badan oo ka
mid ahi si rasmi ah u degtay. Sidoo kale, jiilalkii zoonaha u dhashay ee
hanaqaaday mudadii burburka ahayd ayaa ku negaaday magaalada iyagoo dugsanaya
fursado nololeed oo ka maqan deegaanada xeebaha ah ee Baargaal la deriska ah.
Dhanka kale, waxay Baargaal saami ka heshay dadyowga Puntland ku soo baracakay
ee soomaalida ah iyo kuwa qaaxooti ahaan u soo galay ee qowmiyadaha dalalka
deriska ah, kuwaasoo soo-dhowaynta, amniga iyo fursadaha shaqo ee magaaladu soo
jiiteen. Arrimahaasi waxay Baargaal ka dhigeen magaalada ugu dadka badan
gobolka Bari
marka laga reebo Bosaso.
Cammirnaanta
dadka ee magaaladu nasiibka u yeelatay waxaa barbar socda horumar xagga nolosha
ah. Waxaa abuurmay xoogag shaqo oo wax-soosaarka u badan dhinaca badda si
wanaagsan uga miro dhaliyey. Dhaqdhaqaaqa ganacsi maxalli ah, mid gobol iyo mid
caalami ah ayaa si fiican loo dareemay. Waxay magaaladu soo jiidatay hirgelinta adeegyo gaar looleeyahay oo
nolosha magaalada wax ka taray; sida: Isgaarsiinta, Xawaaladaha, Korontada,
goobo caafimaad iyo goobo waxbarasho.
Sidoo
kale, waxyaabaha dadka ka dhexeeya ayaa si xilkasnimo leh reer Baargaal uga
shaqaysiiyeen oo aan marna hawl gab noqon. Meelahaas waxaa ka mid ah Iskuulkii
dawladda, Biyo-gelinta iyo MCH-ka.
Arrinta
kale ee Baargaal kaga duwan tahay inta badan degmooyinka ka baxsan wadada
laamiga ah waxa weeye in Baargaal uu ka shaqeeyo nidaamka dawladda. Waxaa si
dhab ah u shaqeeya xafiisyada dawladda hoose, maxkamadda degmada, saldhiga
booliska iyo laamaha canshuur qaadista.
Baargaal
hadda waxay noqotay mid ka mid ah sadexda xarumood ee ay deganyihiin ciidamada
badaha ee Puntland, kuwaasoo ah ciidamo si gaar ah u nidaamsan una qalabaysan,
ka dib markii baahida la dagaalanka burcad badeedu arrintaas khasabtay.
Sanadka
2012ka wuxuu ka mid noqonayaa sanadihii Baargaal ugu nasiibka badnayd waxaana
ka socda mashaariic horumarineed oo baaxad leh. Kuwaas oo shaqadoodu socoto.
Barnaamijka mareykanku ku deeqay ee Tiss
Programme ayay magaaladu waxay ka heshay qayb fiican. Waxaa ka mid ah
mashaariicdaas dhisme cusub oo loo samaynayo dawlada hoose, dhisme cusub oo
loogu talagalay dugsiga sare, dhismayaal kale oo muhim ah, wadada wayn ee
magaalada iyo Bosaso isku xirta oo hagaajin lagu wado, iyo qaybta kaluumaysiga
oo mashruuca saami wayn ka heshay.
4. Qaabka Dhuleed ee
goobta magaaladu ku taal:
Baargaal waxay ku taal xeebta badwaynta
Hindiya. Waxayna dhacdaa dhigaha cabirkoodu yahay 11°17′00″N 51°05′00″E. Iyadoo
Rasi-casayr ka xigta dhinaca koonfureen, qiyaas ahaan 60mile oo badda ah.
Meesha ay ku taal waa dhul siman oo banaan
ah kaasoo isu furan ilaa masaafo ka badan 250km2.
Carrada
dhuleed ee zoonaha magaaladu ku taal waa dal-san ku haboon xoola-daaqeenka,
beerista kheyraadka beeraha ee kala gedisan iyo dhiraynta loola jeedo bilicda
iyo dhowrista deegaanka. Waxay magaaladu hodon ku tahay biyaha. Aagga ay ku
taal waxaa inta badan biyo macaan oo mug leh lagu gaaraa 5m oo keliya.
Cimilada
magaaladu waa dhex-dhexaad aan qabow iyo kulayl midna u badnayn 12ka biloodba.
Inta badan waa 30°(Celsius). Waxay taas la wadaagtaa deegaanada Puntland ee ku
yaala badwaynta Hindiya. Waa cimilo ku haboon nolosha oo negaanshaha deegaanka
khasbaysa.
Baargaal
waxay ku dhextaal labada raasi (Raasi-casayr iyo Raasi binna). Daraasado
khayraadka badda la xiriira oo la sameeyey waxay sheegeen in Shelf-qaaradeedka aagga Baargaal uu
yahay 70km, oo ah meelaha ugu balaaran shelf-qaaradeedka
Soomaaliya. Halkaas oo khubarada caalamku xaqiijiyeen inay tahay mid ka mid ah
5 deegaan ee badaha caalamka ugu kaluunka badan iyo waliba marinada ugu badan
ee kaluunka hayaama. Sidoo kale, waxaa la sheegaa in khayraad badan oo kale
aagga ku kaydsan yahay. Waxaa xusid mudan in khooriga Binna laga helo cusbo
dabiici ah oo aad u baaxad wayn.
Kheyraadka
kale ee Baargaal waxaa ka mid ah Xijiga, beeraha Timirta, khudaarta iyo xoolaha
nool. Dhammaan qaybahaas dhaqaale waa laga shaqeeyaa; waxaana ku socda
horumarin.
5. Qaabka bulshada ku
nool magaalada:
dadka reer Baargaal waa bulsho furan (
dabci ahaan furfuran), oo soo dhowayn leh; kuwaasoo leh dhaqan salka ku haya
ilbaxnimo soo jireen ah. Waa dad falgalkooda bulsho wanaagsan yahay, oo
takoorida iyo hayb sooca aan caadi ahaan aqoon; waxaa lagu tilmaamaa inay
yihiin dad dulqaad leh.
Waxaa
sidoo kale xusid mudan in bulshada reer Baargaal, intooda badan, ay yihiin kuwo
aqoontooda, wacyigooda iyo garashadoodu aad u wanaagsan yihiin. Waxaa lagu
yaqaanaa dad martigelin kara dadyow kala gedisan, waana sababta keentay in
magaaladu bulsho ahaan korto ayna soo jiidato taageerada iyo maalgelinta
ganacsi, bini-aadamnimo iyo dawladeed.
Eng. Xareed
Saalax Cadaawe
Maxamed
Ibraahim Indhataag