Gobolka Gardafuu




Gardafuu waa Gobol ka tirsan Dawlad Goboleedka Puntland Gobolkan wuxuu xuduud la leeyahay oo dhinacyada Ka xiga 
dhanka woqooyi gacanka Cadmeed , dhanka bari waxaa kaga beegan bad weynta india , kuunfur waxaa kaxiga gobolka karkaar , dhanka galbeedna waxaa kagabeegan gobolka bari .

caasimada gobolku waa Caluula.

Gobolka gardafuu waxaa ku yaala magaalooyin taariikh weyn kuleh Deegaanada Soomaalidu Degto sida magaalada Baargaal oo ah magaalo taariikh fog leh saldhigna u ahayd boqorkii majeereeniya Boqor Cismaan 

Magaca Gobolka Gardafuu luqad ahaan waa talyaani marka la macneeyo gardafuu luqad ahaa waxa uu u dhacaa laba kalimadood oo kala ah ( Arag oo ka carar ) oo loola digaayo maraakiibta raasiga Gardafuu .




Gobolka Gardafuu oo ah gobolka sagaalaad ee Gobolada dowlada puntland ka kooban tahay Waxaa si rasmi ah loo ansixiyay kalafadhigii 30-aad ee Goloha wakiilada Puntland oo dhacay bishii June sanadkii 2013.

Gobolkan ayaa ka kooban shan dagmo oo kala ah

1. Degmada Caluula
2. Degmada Baargaal
3. Degmada Bareeda
4. Degmada Gumbax
5. Degmada Murcanyo




1- Dagmada Caluula

Cluula oo ah caasimada gobolka gardafuu kana mid ah magaalooyinka taariikhiga ah ee somaliya. waxay dhacdaa woqooyiga gobolka gardafuu.

Xilligii gumeeysiga Talyaaniga Degmada Caluula waxay ahayd degmada ugu horaysa Dhinacyada siyaasada , dhaqaalaha , waxbarashada , caafimaadka iyo horumarka , waxaan tusaale u soo qaadankarnaa dhinaca siyaasada inay ahayd magaaladii ugu horeysay oo lagu kala saxiixday heshiiskii dhexmaray boqortooyadii Majeerneeniya iyo Talyaaniga taariikhdu markay ahayd 1903

2- DAGMADA BAARGAAL

oo ah magaalo kutaal koonfur galbeed gobolka gardafuu. Ahna magaalo dhacda badd waynta india.
cimilada baargaal ayaa ah mid aad u wanagsan xilkastana ku haboo in lajoogo, Dagmadaan Waxaa lagu tiriyaa magaalooyin aadka u dhismaya ee puntland
sidoo kale waxa ay magaaladu haysata dhamaan adeeg yada asaasiga ee ay bulsho u baahan tahay .

Adeega waxabarasho ee magaalada ayaa ah mid aad uu heer kiisu usareeyo waxa ay sababtay in magaalada lagu naa nayso hoyga aqoonta puntland.

3- Dagmada murcanyo
Oo ah dagmo dhacda woqooyi galbeed gobolka gardafuu , waxayna kamid tahay dagmooyinka cusub ee puntland cimilada iyo adeegyada bulsho waxay kala saman tahay dogmooyinka ay isku gobolka yihiin, in kasta oo aad moodo in dadeegeeda waxbarashada ee dagmada uu aad ugu hooseeyo kuwa kale ee lajaarka ah , sidoo kale dagmadu wali kuma guulaysan in ay yeelato gole deegaan sababo jira awgood .

4- DAGMADA BAREEDA

Oo ah magaalo taariikheed kultaal waqooyi bari gobolka gardafuu kulaashana badda cas waana meeshii uu ku noolaan jiray DAAROOD ISMAACIIL oo ah oday ay ku abtirsadaan dadyow badan oo somali ah.


Cimilada magaaladan ayaa ah mid diiran oo aad u wanaagsanBareeda oo ka mid ah dagmooyinka cusub ee puntland waxaa lala magacaabay Gobolka.

Dagmada ayaa haysata qaar badan oo kamid ah adeegyada bulshada ee asaasiga ah . sidoo kale dagmadu waxa ay ku guulaysatay in ay yeelato gole deegaan iy gudoomiye 

dhanka waxbarasha Degmada Bareeda waa degmada Labaad dhinaca waxbarashada iyadoo leh waxbarasho Gaarsiisan ilaa Dugsi Sare 


 5- Dagmada gumbax 

waa dagmo kutaal koofur galbeed gobolka gardafuu , waxayna kamid tahay degmooyinka Dawlada Puntland magacawday Xilligii Madaxwaynihii Hore ee Puntland Dr. C/raxmaan Faroole , Degmada ayaan lahayn Adeegyada Asaasiga ah Sida caafimaadka , waxbarashada , iwm 


Gudomiyihii ugu horeeyay ee gobolku yeesho waxa uu ahaa mudane CALI MIRE XUSEEN wuxuuna xilka hayay muddo sanad ah 

waxaa haatan godoomiye ka ah gobolka Gardafuu C/qaadir Maxamed Yuusuf Iidi oo  Loo lagu soo magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha puntland .

KHAYRAADKA GOBOLKA GARDAFUU

Gobolka Gardafuu ayaa ah gobol haysta khayraad dabiici ah oo aad u badan badda iyo barrigaba  .

Gobolka Gardafuu ayaa ku yaal 
meesha kaliya ee somaliya ay labada badood isugu tagaan , kuwaas oo uu maro ganacsiga caalmka , waxaana sidoo kale gobolka Caan ku Yahay xeeb dheer oo ku teedsan dhamaan Degmooyinka Gobolka ,  sidoo kale waxaa gobolka caan ku yahay Beeraha Timirta oo ku yaal dhamaan buuraha Gobolka waxaan kamid ah beeraha sayn yar , sayn wayn, coomaayo , xoogaad , sidoo kale Dhirta Maydiga Iyo beeyada oo ku yaal Buuraha Gobolka ayaa kamid ah ilaha dhaqaalaha ee uu gobolku caanka ku yahay 

ilaha dhaqaale ee Gobolku caanka hodonka Ku yahay  waxaana kamid ah :

1- kalluunka noocyadiisa kala duwan ayada oo Deegaanada Gobolku Ku yaaliin Mid kamid ah  shanta deegaan (Zone ) ee ugu kalluunka badan uguna taya fiican caalamka sababo juquraafi oogeeyd .

2- Maydiga iyo Luubaanta : iyadoo 80% luubaanta Soomaaliya laga dhoofiyo ay  ka timaado deegaanada gobolka Gardafuu waana tan ugu fiican .

3: Beeraha Timirta: iyadoo gobolku caan ku yahay beero timir oo fac wayn waxaana kamid ah beeraha Timirta ee ka baxa  magaalooyinka geesalay , seyn weyn , seyn yar , murcanyo , iyo beeraha sida Coomaayo , qoralaha ,  Xoogaad xeela , Ruunyo iyo kuwo kale oo badan 
   
4- Xoolaha nool :

5- dhuxul dhagaxda kujirta agagaarka  Dhurbo oo ah dhul dhan ilaa kun mitir waxaa dhex jiifa dhuxul dhaqax . dhuxushaa waxaa dibada u dhoofin jiray Talyaaniga xilligii gumaysiga hada waa mid looga faaiidaysan karo isticmaalka dalka .Iyadoo looga kaaftoomi karo adeegsiga dhuxusha dhirta iyo xaalufka dalka hadii loo helo shirkado soo saara .


5-Milixda ama cusbadao.




























                                          
BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaal@gmail.com






Developed by Jago Desain