Xiisad ka dhalatay ganacsatadii lagu laayay Magaalada Gaalkacyo

Xiisad ka dhalatay ganacsatadii lagu laayay Magaalada Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inay xiisad ka dhalatay afartii nin ee ganacsatada ahaa, ee Khamiistii lagu dilay Koonfurta Gaalkacyo.

Dabley hubeysan ayaa rasaas oodda kaga qaaday gaari ay la socdeen ganacsatada, xilli uu maraayay afaafka hore ee Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabada lagu dilay ganacsatadaasi ay salka ku hayso aanooyinka xagga beelaha, ayna jirto baqdin laga qabo in ay aargudasho dhacdo.

Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Gaalkacyo, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed ayaa dhacdadaasi waxa uu ku tilmaamay mid aad iyo aad u fool xun, isla-markaana ay ka xumaadeen dadka reer Gaalkacyo.

Gudoomiye Kuxigeenka oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa iftiimiyay in dableyda dilka gaysatay, ay xogta ku hayaan inay yihiin maleeshiyo beeleed, balse maanu sheegin cidda ay taabacsan yihiin.

Inkastoo sida uu sheegay ay degan tahay xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayuu dhanka kale xusay inay socdaan dadaalo, ay garwadeen ka yihiin Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Mudug, si looga baaqsado dhibaato ka dhalata dilkaasi.

Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Gudoomiye Kuxigeenka ayay dadka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, ay kuu sheegayan in dilkaasi uu dareen cabsi leh ku abuuray dadka deegaanka.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ka mid ah magaalooyinka ay weli ku dambeeyan dilalka ku aadan aanooyinka qabaa’ilada.
Developed by Jago Desain