FARIIMO JACEYL QOF KAA FOGAADAY - ERAYO JACEYL QOF KAA TAGAY

 


FARXAD KU WAAR!!!
___________DHAMBAALO JACEYL___________
Waad iga tageysaa anigoo si dhab ah kuu jecel, waxaad iga tageysaa ma markaad ogaatay qalbigeyga in uu adiga kugu waalanayo, noloshana adiga kugu koobay.
Ka hor inta aadan iga tagin, nolosheydana aadan ka bixin, waqti yar isii ii ogoloow in aan kuu sheego dareemayaal gubaya qalbigeyga.
MAHADSANID

Waxaad aheyd ruuxii i baray sida jaceyl dhab ah loo bixiyo, xaqiiqdii waligey qof adiga kaa horeeyay umaanan jeclaanin sida aan adiga kuu jeclaaday.

Kama qoomameynayo kala fogaanshaha dhex-deena ka dhacaya, sababtoo ah waxaa dhamaaday waqtigii inoo qornaa jaceylkana halkaan ayuu xiligiisa ku ekaa.

Markii ugu horeysay aan ku baranayay aniga qalbigeyga wuxuu ahaa mid saafi ama nadiif ah, oo aanan wax dhaawac ah qabin, blse maanta adiga dhaawac baad igaga tageysaa.

Sidaan markii ugu horeysay ee shalay markii aan is baraneynay gacma furan kuugu soo dhaweeyay, ayaan maanta markaad iga tageyso gacma furan kuugu sagootinayaa.

Sidaan waqti walba oo nolosheyda soo marta kuugu duceysan jiray in aan nolol qurux badan wadajir kuwada dhisano, blse maanta adiga ayaan kuugu duceynayaa nolol qurux badan.

Waxaan maanta dabadeed waliba aniga oo aanan kugula jirin noloshaada kuu rajeynayaa in aad ku waari doonto nolol macaan oo qurux badan iyo jaceyl farxadiisa wato.

Waxaan kaloon rajeynayaa markii aad nolol kale dhisato in aad jaceylkeyga hilmaami doonto si aysan xusuusaheenii iyo waayihii nolosheena soo qaadanay kuu dhaawacin.

🌷 Dhaayihii ku daawan jiray
🌷 Dhagihii maqalkaaga jeclaa
🌷 Qalbigii sida dhabta kuu jeclaa
🌷 Farxadii aan kuwada nooleyn
🌷 Waayaheenii soo dhamaadee
🌷 Hadeer kala dhaqaaqdeene
🌷 Nolol aanan kala dhantaalmin
🌷 Ku dhameyso noloshaada
Developed by Jago Desain