ERAYO JACEYL OO SOO JIIDASHO LEH

Hal qoraal oo dhinacaaga ka socda wuxuu badali karaa jihadii aan markii hore ku socday wuxuuna ii jiheyn karaa halka ay farxadaada taalo.

Waxaan jeclahay in aan ku arko adigoo faraxsan waxa ugu quruxda badan ee aan arkana waa dhoola cadeyntaada.

Kaliya waxaan ku arkay ilbiriqsi laakiin ogoow in aan marwalba aragtidaada iftiinsado waliba nuurkii nolosheyda marwalba ii tahay.

Waxaan kuu jeclahay sidii anigoon waligeyba qof adiga kaa horeeyay aanan jeclaanin xitaa aanan u dhawaanin adiga hortaa.

Arinta dhankeyga ugu culus ee aanan waligey ku fikiri doonin waxey tahay iloowidaada mana dhici karto midaas.

Waxaad tahay nolosheyda, wehelkeyga, wadnaheyga, qalbigeyga, maskaxdeyda, niyadii aan kugu soo xasuusanaayay.

Jaceylka aan kuu qabo ma ahan mid dhamaan doono waligiisa

Wuu iga nasiib badan yahay qof maalin kasta adiga ku arka, kula hadla fursadna u hela inuu dhoola cadayntaada aadka u quruxda badan ay indhihiisu arkaan.

Qofna ma bedeli karto jaceylka aan adiga kuu qabo, ogowna waa balan iyo axdi marnaba kuma cidleyn doono oo waxaad ibartay dhadhanka jaceylka uu leeyahay.

 Waxaan dareemay in aad tahay qofka aan dunidaan ka raadinaayay mudo badan. Waxaad i bartay dhadhanka ay leedahay nolosha. Waxaad isiisay farxad aan la qiyaasi karin. waxaad dhameys tirtay riyadeydii qabyada ahayd. sow ma ogid in aad tahay dhameystirkii nolosheyda, riyadii mustaqbalkeyga, rajadii nafteyda, farxadii qalbigeyga, aragtidii indhaheyga, dareenkii wadnaheyga runtii waxaa tahay ruux aan doortay aniga, dareenkeyga iyo qalbigeyga uu raacay

Jawigu waa mid aaad qurux badan, Jaceylkana waa dareen aad u macaan. La'aantaada noloshu dhadhan malahan mana ahan mid dhameystiran.

Dhoola cadeyntaadu waxa ay ii tahay wehel, waxaa tahay dareenkeyga, ma tihid dhiigeyga balse waan kuu damqadaaa, mana tihid wadnageyga laakin waxaan diyaar u ahay in aan xanuun walbaa kula qeybsado.

Uma maleeyo in uu jiro ruux aan kugu doorsanaayo, intii daain uumay adigaan kaa doortay ma jirto meel aan kaaga dheeraado, maxaa yeelay dareenkeyga iyo daryeelkeygaba xagaaa ayeey jiraan

Dadku waxa ay dhahaan jaceylku sabab la,aan ayuu qalbigaada ku beermaa, Haa haa waa run sababtoo ah sabab la,aan ayaad qalbigeyga dagtay, waayoo aad baan ugu farxay markaad ku soo biirtay nolosheyda.

Waxaad iga dhigtay qof wax badan ka fahmi karo wejiyada ay noloshu leedahay.

Markii aan adiga ku arkay ayaaan arkay farxad, Markii aad adiga ii soo dhawaatay ayeey siyaaday farxadeyda 

 Ma aqaano waxaaan ku dhaho mana aqaano waxaan kuugu mahadceliyo balse waxaa tahay aduunkeyga oo dhan. Waxaan ogahay in aan helay ruux ruuxdeyda u ah nolol oo weliba si, waali ah aan u jeclaaday

Maalin walba dumar aad u qurux badan waan la kulmaa laakiin waligey maan helin qof adoo kaleeto ah, waa run in dunida dumar ka buuxaan, blse na jiro qof kula mid ah ama ku bar-bareyn kara.

Ma aqaan sababta blse waan ku jeclahay, ma jecli in aan qof la wadaago waxyaabaha ii gaarka ah, sababtoo ah waxaan doonayaa in aan adiga kaliya kula wadaago, dhamaan xusuusaha farxadeyda, maxaayeelay ma aqaan sababta blse waan ku jeclahay.

waxaan magacaaga ku qoray samada blse daruuraha ayaa qariyeen, hadana waxaan ku qoray dhulka blse dabeysha ayaa tir-tirtay, ugu dambeyn waxaan ku qortay walbigeyga waligiisna wuu ku qornaan doonaa. 

Ma ihi qof daciif ah gacaliso adigaa ah awoodeyda, inta aad adiga tahay jaceylkeyga ma jiro wax dunidaan dusheeda yaalo oo i ruxi kara ama i gil-gili kara waan ku jeclahay.

Developed by Jago Desain