ERAYO JACEYL OO AAD U XANUUN BADAN - ILEEN BEEN BAAD ILA JILEYSAY

 


Waan nabad qabay, ka hor Aragii, Barashadii iyo la kulankaagii maalmihii wacnaa ee na soo dhaafay, waxaan ahaa wiil gabi ahaanba ka maran haasaawe haween.

Caadeysi, Calaacal, U jajabnaan jaceylka gebi ahaantii, waadse badashay, bur-burisay, ood meesha ka saartay gebi ahaan fikir iyo cadaadyadii waxaad ii noqotay isha aan aan farxo, igana murugsiin kartaa.

Waxaad iga dhigtay baahane aragaaga u baahan, sekin iyo saacad kasta waxaad sabab u noqotay noloshaada aan nowday bukaan daawo, dabiib iyo daganaan hadalkaaga kaliya ugu filan yahay.

Waxaad ii yeeshay boqolaan balwadood oo Araga, Maqalka, Baahida, Xiisaha, Maqalka, iyo Boholyowgaagu ka mid yihiin, waxaan arkay awood iyo itaal kasta oo aan dunidaan ku joogay in uu jaceylkaagu waxba kama jiraan ka dhigay.

Marna waxaan ilaaweyn in si kasta oo xeerarka nolosheydu u arkayeen inaad aheyd qofka kaliya ee aanan iska xadeyn karin xeerka iyo sharciyadeyduna qaban karin.

Waxaad noqotay sidii madaxweyne kali talis ah oo bulshadiisa ka fogeeyay dhamaan mucaaradkiisa iyo cid walba oo wax u qaban laheyd isagoon waxba u qabaneynin bulshada kursigiisana ilaashanaya.

Waxaad adigoo isticmaalaya awoodaada jaceyl agteyda ka fogeysay dhamaan dumarka xitaa mid kamid ah ka heli lahaa waxaanan adiga kaa helin adigoonan marna ila sii joogeynin agteydana ahaaneynin.

Waxaad ii damaqday sidii dhaqtar u dhayay boog bukaan si naxariis daro ah, hadana aan wax aqoon iyo xirfad u laheyn tolida boogaha oo magac dhaqtar uun wata.

Waxaad igu damaqdaa ood igu xanuujisaa waliba dhaawac iyo dhibaato iigu keentaa isla hadalkii aad igu daweyn jirtay bilowgii barashada iyo jaceylkii mala awaalka ahaa.

Sow cajiib maahan in aan shuruud la'aan kugu qaabilo xili kasto oo arxan daro iiga tagto, hadana ii soo laabato ood ii soo xiisto in aan niyad samaan kugu qaabilo.

Sow doqonimo maaheyn inaanan ogeyn in aad u soo xiistay si aad dhaawaceyga (Milix) cusbo u sii mariso in ka badan daweynteyda.

Si kasta oo aan u raadiyay farxada iyo dabaal daga iyo niyad samaantaada waxaad ii noqotay murugii badashay fatxadeyda, dhaawaca bogaheyga ku raaxeystaha rafaadkeyga.

Waxaan markasta ka qoomameeyaa fursad kasta oo howlaheyga u soo dayacay si aan adiga waqti iyo farxad kuu dareensiiyo blse waxaab ogaaday in aanan muhiim kuu aheyn.

Waxaan meel gaara ku qoray balan kasta ood ii qaaday qeyrkry dartoodna u bur-burisay, waxaan marna ilaawi doonin ilin kasta oon dartaa u ilmeeyay dhalanteedna dhankaaga ka aheyd ileen bee baad ila jileysay

DHAAWACA WUU BOGSAN WAAN HUBAA!!!

Developed by Jago Desain