xikmado jacayl - Gabay iyo Geeraar Jacayl

XIGMADO JACAYL - Gabay iyo Geeraar Jacayl
XIGMADO JACAYL - Gabay iyo Geeraar Jacayl

FG: Xiddigta dhexe waxay kala soocaysaa meerisyada anan isla socon.

 Joogaaga dheer iyo,
 Xibnahaaga jalaqsani,

 Jalleecada kalgacalka leh,
 Jaahaaga quruxda leh,

 Timahaagan jiifee,
 Miskahaaga joogiyo,

 Dhexdan taako lagu jaray,
 Jirkaagaan xariirta ah,

 Jaad samida codkaagiyo,
 Qosolkaaga jilicsani,

 Jaanqaadka socodkiyo,
 Jiijiidka laafyaha,

 Kama jeesan karayoo,
 Waan kugu jidboodee,

 Wax i jiidanaayoo,
 Qalbigayga jiiraa,

 Kugu jiro jamaal badan,
 Jooharad miyaa tahay,

 Misa jawhar luulkiyo,
 Dheeman dahab lasoo jaray,

 Jeenigaaga ii dhiib,
 Jannadii aduunkiyo,

 Beeraha jacaylka ah,
 Farxad igula soo joog,

Markay ku arkaan indhuhu,
Eegmada kaama weeciyaan,

Afkuna erayada kalgacal,
Waxan ahayn kuma ortee,

Oraahdaaday dhaguhu,
U xiisaan had iyo jeer,

Intaad iga maqantuhuu,
Qalbigu i ilmaynayaa,

Oonkaa iga bixi lahaa,
Hadaan kula aqal galee,

Hadaad ubad ii dhashana,
Nicmaan ku ildoogsan laa,

Aduun waa ayaan quroo,
Eebbaa loo laabaniye,

Allow yaad aakhirana,
U noqotaa xawralcayn !

... 

* Hadalkaaga wacan laabta buu, iga haleelaaye,
* Hamigayga wuu xoojiyaa, soo han kiciyaaye,
* Qalbigana hinqaarkuu dhigaan, harki la guuxaaye,
* Sidi Aar hal dilay baan saqdhexe, arar hinraagaaye,
* Haybadaad u dhalatuu dihnigu, haykal ka hayaaye,
* Haasaawahaagaa i baray, hadallo waawayne,
* Hablahana adoo kale rag baa, hayb ku xulayaaye,
* Hadal suuban hadiyiyo qoraal, habka ugu doorran,
* Habooney hadaad ila rabtoo, haatan i su'aashay,
* Wax kastoo ad iisoo hurtaa, waan ka helayaaye,
* Habeenkaan aroos wada galnana, kaba hamuun wayne,
* Hambalyiyo salaan iga gudoon, farxad ku heeraaran,

***

* Habooney macaanto,
* Hadal kuma dhamayn karo,
* Xiisaha an helayiyo,
* Hamuuntaan dareemiyo,
* Intaan kuu hilooboo,
* Hadaan kuu imaadana,
* Halis waxaan u galayaa,
* Hab inaan kusiiyoo,
* Kugu haysto laabtee,
* Hadba waxan ka yaabaa,
* Inaad Horor imoodiyo,
* Axad laga haboon yahay,
* Anna caashaq ba ihelay,
* Oo hawada ila galay,
* Hadaan yara hilmaamoo,
* Hab kusiiyo inanyahay,
* Haygu nicin waxan dhigo,
* Hawlo iga tan wayn buu,
* Wadnuhu ila higleeyaa,
* Markaan helo naftaadee,

* * *


 Maxaad iga dhex heestoo,
 Ruuxii dhaqaaqaba,
 Dhooley ku moodoo,
 Dhinicii an eegaba,
 Dhabtii ii sawirantoo,
 Dhac iyiri wadnuhuyoo,
 Dhegahayga maqalkana,
 Dhegeysteen codkaagoo,
 Dhambaal haatuf ii sido,
 Malahayga soo dhacay,

 Dhuuxiyo lafaha iyo,
 Dhabti waxaad ku sugan tahay,
 Dhamaan unugyadaydoo,
 Dhagdhagtii wadnaha iyo,
 Dhaqaaqii jirkaa tahay,

 Socdaalkayga dhiigiyo,
 Malab dhuunta marayoo,
 I dhex qaadayaa tahay,

 Yaa dhabtaada seexdoo,
 Dhoola kaqosolkaagiyo,
 Dhaayaha kalgacalka leh,
 Indhahaaga dhowrtoo,
 Ka bogsoodo dhaawaca,
 Caashaqaagu igu dhigay,
 Dharaarradi cidlada ee,
 Xiisaha ku dheehnaa,

 Dhabanaha qurxoon iyo,
 Bishimahaaga dheeha leh,
 Yaa kaa dhunkado oo,
 Dhexdaada yar ku duubmoo,
 Dhab kusiisto laabtoo,
 Dhadhankaaga muudsado,
 Kula dheelo inanyahay,

❇ Haduu saxar yari ku gaaro,
❇ Naftaydu si baan noqdaaye,
❇ Intaan saacado ku waayay,
❇ Maxaan sanad mooday leylka,
❇ Xanuunka ku saaqay maanta,
❇ Muxuu salal igu abuuray,
❇ Hadaan simaney awoodo,
❇ Inaan kaa soo wareegsho,
❇ Intaan aniga isa saaro,
❇ Ayaan kori lahaa sariirta,
❇ Sirtaydi dul keenay miiskoo,
❇ Wadnuhu way suuxayaaye,
❇ Inaan sidi Qays habaabo,
❇ Ayaan ku sigtaa dareenka,



❇ Aduun waa saxal wareegoo,
❇ Ayaanba si buu noqdaaye,

❇ Adoo ii soo qoslaayo,
❇ Maxaad farxad igu salaantay,

❇ Maxaan suugaan macaan iyo,
❇ Sarbeebo jacayl wadaagnay,

❇ Siyaadada xiisaheenna,
❇ Maxaan soddon jeer is eegnay,

❇ Inaan la sinneyn dadkoo dhan,
❇ Kalsooni maxaad isiisay, ...

❇ Adoo sabar muujinaayo,
❇ Qur'aan ku saliig jirkaaga,

❇ Allaha caafimaad kusiiyee,
❇ Sadkaaga ka yeel adkaarta,

 Ilays shumac baxaayiyo,
 Iftiinkii nalkaa tahay,

 Ubax soo dilaacoo,
 Aroor joogo baa tahay,

 Neecow udgoon iyo,
 Saxansaxo ayaa tahay,

 Afar iyo tobnaad iyo,
 Dayax ololayaa tahay,

 Garaad aaqil sare iyo,
 Dhal ugaas ayaa tahay,

 Boqortooyo aadmiga,
 Kuwiin edeb lahaa tahay,

 Riyadii an sugayaay,
 Intee baad ku sugan tahay!



Simaneey jacaylkeenu,
Waa sida daruuraha,
Soo da'ay barwaaqada,
Saxansaxo udgoon buu,
Sidi roob ku arartaayoo,
Caashaq lala simaan jirin,

Suugadiisu waa farax,
Iyo socod wadaagoo,
Waxaan sahal u eegaa,
Dhankaad iiga sugan tahay,
Markaasaan sirteenii,
Siiyaa kalsoonida,
Oo hadana sidaydii,
Siman adiga mooyee,
Waxaan horay u soo maray,
Saban-saban kolay tahay,
Ayaan sahal ilaawaa,
Developed by Jago Desain