Dagaalka gal ama iska ilow gabadheyda :- Qiso yaab leh oo ka dhacday Xamar

Qiso La yaableh ayaa waxey ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada Xamar Jadiid, Kadib Markii wiil lugu Magacaabo Maxamed Cumar uu ka doontay waalidkeed gabar lugu magacaabo Samiiro Axmed oo ay in mudo ah is jeclaayeen uuna Abaheed ku xiray in uu ka qeyb qaato dagaalada Muqdisho islamarkaana ka garab dagaalamo Kooxaha kasoo horjeeda dowlada iyo kooxda mintindka ah ee Al-shabaab.Aabaha Gabadha dhalay oo ka mid ahaa tageerayaasha Kooxaha ka dagaalama Muqdisho iyo Al-shabaab ayaa waxuu ku xiray wiilkii gabadhiisa soo doontay In uu Ka qeyb qaato dagaalada ka socda Muqdisho hadii uu rabo in uu gabadhiisa guursado.

Wiilka gabadha soo doontay oo ka mid ahaa ciyaalka xaafada, wiligiisna Qori Qaadin ayaa arintaan la yaab ku noqotay, waxuuna halmar lasoo booday isagoo u jawaabaya duqa dhalay gabadha "Adeer waxaan rabaa in an gabadhaada guursado, ee marabo in aan dhinto oon nafteyda ku khamaaro"Lakiin aabaha gabadha dhalay ayaa hadalkiisii ku adkeystay, wuxuuna u sheegey wiilka in uusan siin doonin gabadhiisa nin aanan ka tirsaneyn kooxaha ka dagaalama Muqdisho ama kooxda Al-Shabaab.

Labadii isjecleyd ee Maxamed iyo Samiiro oo si aad ah isu jeclaa ayaa wada tashi kadib waxa ey go`aan ku gaareen in ay si hoose isu guursadaan kadibna u wada tahriibaan dalka Yaman si ay jaceelkooda ku badbaadiyaan kana doorbidaan tahriibka badda iyo saxarada qaharka ah xujada aabaha.Dhacdadan ayaa waxey noqotay mid ka yaabisay dadka degan xaafada Xamar-Jadiid, waxeyna noqotay dhacdadan mida loogu hadal heeska badan yahay xaafadaasi
Developed by Jago Desain