Macalin Masri ah oo laga afdubay Burco oo la siidaayey.

Maxamed Mustafa Ibraahim oo ahaa Macalin Masaari ah oo lagu afduubay Magaaladda Burco ayaa xalay la sii daayay, ka dib markii ay ka hawl-galeen Siidayntiisa Odayaal iyo Wax-garadka Deegaanka ceel dheero oo ahaa goobtii lagu hayey Macalinka.

Macalinkan oo 13-kii bishan koox dablay ahi ka afduubtay Magalada Burco ayaa ka mid ahaa 7 macalin oo u dhashay dalka Masar oo dhamaantood ay macalimiin ka yihiin qaybo ka mida dugsiyada sare ee Gobolka
Togdhheer.

Siidaynta Macalinkan ayaa waxaa si gaara uga hawl galay odayaasha, Culima-awdiinka iyo wax-garadka Magaaladda Burco, kuwaasoo ergo dhex-dhexaadin ah ka galay kooxda macalinka afduubtay iyo Ciidamada nabad gelyada oo ku daba jiray meesha Macalinka lagu hayay.

Macalimiintan ayaa waxay sanadihii 2004-tii ay ku yimaadeen Dalka Somaliland heshiis ay Wasaarada Waxbarashada la gashay Dalka Masar kuwaasi oo si mutadawacnimo ah uga hawl gala Dugsiyada Somaliland oo dhan.

Macalinka ayaa markii la keenay Magaaladda Burco, waxa uu sheegay inay si wanaangsan ula dhaqmeen, wax dhibaato ahna anay u geysan kooxdii afduubka u haysatay.

Kooxdan macalinka afduubtay ayaa la sheegay inay ahaayeen ganacsato reer Somaliland ah, oo hanti lagaga dhacay dalka Yemen, hantidaas oo Xukuumadda Somaliland u balan-qaaday inay bixinayso, balse aanay waxba bixin, taasina ay tahay sababta keentay afduubka

Developed by Jago Desain