Shuruudo lagu Xiray Xujeyda Sanadkan Sababo la Xiriira ......

Wasiirada Caafimaadka Carabta ayaa Shalay Qaahira ku Go’aamiyey inaaney Xajka iyo Cumrada ka soo qeyb gali Karin Sanadkan Qofwalba oo ay Da’diisu ka weyntahay 65 Sano ama ay ka yartahay 12 Sano si looga Digtoonaado Faafitaanka Virus-ka (H1N1) ee Sababa Hergebka Doofaarada.

Qaraarkan ayaa yimid kadib Markii ay soo ifbaxday Dacwada la Xiriira in aan la Fogeysanin in Dadka Sandkan ka soo Xajinaya Dibada ay la Imaan karaan Cudurkan.

Maamule Goboleedka Hey’ada Caafimaadka Aduunka Xasan Aljazaa’iri ayaa Shir Jaraa’id ku Sheegay in sidoo kale laga joojiyey Xajka Dadka Qaba Cudurada Sokorta, Dhiigkarka, Beer Xanuunka , Kalya Xanuunka, Cayilka Xadhaafka ah iyo Cudurada ka Dhasha Cuno Xumada.

Aljazaa’iri ayaa intaa kudaray in Go’aankan la Qaatay kadib markii Afkaarta leysweydaarsaday, waxaana la qaatay Firkirka Wasiirka Caafimaadka Sacuudiga C/Casiis Al-Rabiicah.

Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka Sacuudiga ayaa C/Casiis Al-Rabiicah ayaa Sheegay in Wasiirada Carabtu Go’aankan Qaateen iyadoo aysan jirin Culeys Diineed, Mid Siyaasadeed iyo Mid Dhaqaale , waxa uuna intaa kudaray in ay Go’aamkan Qaateen 50 Dowladood oo Islaam ah.

Wasiirka Caafimaadka Sacuudiga waxa uu intaa ku daray in Mas’alada Yareynta Cadadka Xujeyda aysan Dhibeyn Dhaqaalaha Sucuudiga siwalba oo ay ahaato.

Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka Masar Dr Xaatim Aljabali ayaa Sheegay in Masar iyo Sacuudiga Sameyndoonaan Xarumo Caafimaad si loogu Baaro Dadka Xajka iyo Cumrada u socda si aysan ugu dhicin Shuruudaha lasoorogay.

Wasaarada Caafimaadka Sacuudiga ayaa Horey u Shaacisay in ay Sameyneyso Gudi Cilmiyeed Balaaran oo Wasaarada ka tirsan si ay u qaadaan Talaabooyin looga Hortagayo Hargabka Doofaarada inta lagu guda jiro Xiliga Xajka.

Laakin Muftiga Sacuudiga Sh C/casiis Bin C/llahi Aala Sheekh ayaa Shaaca ka Qaaday Cabsida uu ka Qabo in waxa laga Qorayo Hergebka Doofaarada siweyn looga badbadiyey ayadoo la doonayo in Dib loo dhigo Gudashada Xajka


Developed by Jago Desain