Ciidamada Puntland oo Hawlgal Ka Dhan ah Burcad Badeeda Ka Wada Degmada Baargaal

dagaal Ayaa dhexmaray ciidamada daraawiishta Puntland iyo koox burcad badeed ah oo ku sugan xeebta degmadaasi uu sababay in ciidanka ay gacanta ku dhigaan afar ka mid ah burcad badeeda.
WWararka Ayaa intaas ku daraaya in dagaalkan uu bilawday ka dib markii kooxo degaankaasi ku sugan ay isku dayeen inay sahay u geeyaan burcad badeeda gacanta ku heysa markab laga leeyahay dalka Talyaaniga kaasi oo ay ku heystaan xeebta degmadaasi.

Waxaana ciidanka amnigu ay soo qabteen gaari noociisu yahay
Land cruiser oo ay burcad badeedu wateen.

markabka Talyaaniga ayaa weli taagan xeebta degmada Baargaal iyadoo ay saaran yihiin burcad badeedii heysatey. ciidamaduna waxay wali wadaan hawlgal ballaaran oo ay ka wadaan xeebta degmada kaasi oo ku wajahan in laga hortago in wax sahay ah ay gaarto burcad badeeda heysata markabka taagan xeebta degmada.
Developed by Jago Desain