Marakab dagaal oo bur buriyay dooman ay lahaayeen Kaluumaysato Soomaaliyeed

Wararka ka imaanaya Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya uu bur buriyay dooman ay lahaayeen Kaluumaysato Soomaaliyeed.

Doomankaan uu markabkaasi dagaal Bur buriyay ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa 10-Doomood, iyadoo kaluumeysatada ka jilaabata xeebaha gobolka Mudug ay sheegeen in shalay galinkii dambe Markab nooca dagaalka ah uu bur buriyay Dooman ay lahaayeen kaluumaysato Soomaaliyeed, islamarkaana uu markabkaasi horay uu u qaatay qaar kale oo Dooman ah.

Mid ka mid ah kaluumaysatada Xeebta hobyo oo lagu magacaabo Xasan Cali ayaa sheegay in shalay galinkii dambe markab kuwa dagaalka ah uu bur buriyay 8- doomood, wuxuuna sheegay inay ka cabanaayaan maraakiibta Shisheeye ee ku sugan xeebaha degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Dhanka kale kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa xeebta dekada Hobyo waxa ay ku heystaan Markab laga leeyahay Koonfur Kuuriya, waxaana Markabkaasi ilaalo ka haya markab kale oo nuuca dagaalka ah oo ay leedahay isla Koonfur Kuuriya.
Developed by Jago Desain