Wafdi ka Socday Odayaasha Degmada Baargaal iyo maamulka oo la kulmay Ciidanka Badda Midowga Yurub

Wefdigaan oo ka koobnaa 9-xubnood oo isugu jira maamulka Degmada baargaal , Nabadoono, Isimo, iyo Gnacsato Reer Baargaal ah ayaa kulan kula yeeshay Markab taagna Badwaynta degmada Baargaal oo layiraahdo SCIROCCO ( F 573) Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Yurub ee ka qayb qaadanaaya howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.

Waxaana wefdiga sidoo kale ka mid ahaa taliyaha ciidanka degmada taliye maxamed aadan cali , kulankaas oo saacado soconaayay ayay ahaayeen Saraakiisha ugu sareeya Ciidamadaasi Kuwo U dhashay wadanka Talyaaniga .

kulankaasi Oo arimo kala duwan looga hadlay ayaa waxaa sal u ahaa wixii lau soo hadal qaaday fikirka ay Dadka Deegaanku ka Haystaan Maraaakiibta jooga xeebaha Soomaaliya,

sababta keentay Burcad Badeeda iyo sida wax looga qaban karo.

Waxaa kaloo ay odayaasha degaanka la soo hadal qaadeen Saraakiishaasi Maraakiibta sunta ku aasta xeebaha Soomaaliya iyo kuwa jariifa Kheyraadka dalka ay u sheegeen in Ay inta uu markabkoodu Meereesanayay xeebaha soomaaliya oo ahayd ilaa Murch 2009 ayna ku arkin Maraakiib ku aasta sun iyo kuwa jariifka Ah .

Ugudanbayntii waxay isku raaceen wafdii halkaasi tagay iyo saraakiishaasii Ka socotay Midowga Yurub ee ka qayb qaadanaaya howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida wada shaqayn ,






Ruunyo.com
Baargaal
Developed by Jago Desain