Qoys danish ah oo u gacan-galay burcad-badeeda

Kooxaha burcad badeeda  Soomaaliya ayaa badda Indian Ocean-ka ka afduubtay doon yar oo ay saaran yihiin 7-ruux oo u dhashay dalka Denmark oo sedex ka mid ah yihiin caruur .
Wasaaradda arrimaha dibadda Denmark ayaa xaqiijisay jiritaanka warkaasi, waxa ayna tilmaameen in kooxahaas ay doonida la aadeen dhanka xeebaha Soomaaliya .

Warku waxa uu intaa raacinayaa in dadka la afuubtay isugu jiraan nin iyo xaaskiisa iyo sedex caruur oo ay dhaleen kuwaas oo ay sii dheer yihiin labo nin oo iyana hagayay doonida .

Ma jiraan faa-faahin dheeraad ah oo ay wasaaraddu bixisay, waxa ayna sheegeen in haataan baadi goob uu socdo si loo helo halka la haystayaashaasi lala aaday .
Developed by Jago Desain