March 14, 2011

Taariikhda Dowladaha Somaliya

Somalia wuxuu ka mid yahay wadamada ugu dada wayn Africa marka laga reebo Masar iyo Ethopia Labaads oo sida la sheegaayo Ka da waawayan Somalia Ethpoia sida taariikhda Qoran lagu hayo waxaa lagu tilmaam in uu yahay wadanka Africa ugu dad wayan Siday sheegayaan waxaa lagu tilmaam in uu gaar siisana aialaa Nebi Suleemaan (CS) Qarnigiisii oo ay Xukumi jirtay
Boqorad la oran jiray Shiiba. Masar isaga laftirkiisu kama da yara oo ilaa iyo Faracinadii iyo ka horba waa soo jiray. Somalia marka waxay u dhaxaysa labadaa wadan oo aadka u dada wayan Sida Taariikhda Caalamiga ahi Qoraysan waxay Sheegaysaa Sonalida da ka ahi in ay ku jioreen xukmadii Faraacinada oo ay so gireen ilaa Taariikhdaa dheer Sidaan aragnaan Dadka somalida ahi waa Dad iskumid ah oo aan mid mid ka duwani jrin badan koodu, in kastoo ay is badalaan oo kala duwaan bulsho ahan jirto hadan guud ahaan waa isaga mid waxa aan isan is badalin wa dhulak oo soo jireen ah intaas uu soo jirayan malin walba laysku waydaranayey oo midba mid kale u soo dhiibayey sidaas oo ay tahay somaliya magacan maanta la yirahdo lam oran jirin waydadii hore Xukunka maanta ka socdaan kuma jiri jirin ee waxay lahayd xukuma kal duwan sida Buuga ug wayn aduunka oo ay leeyihiin Xabashidu qorayo wuxuu leeyahay Somaliy amaba Bariga afrika waxaa xukumi jiray Nin boqoro ah oo ah xabashi siday u muuqatan wax weeyaan in somlidu ahaayen dad uu u talin jiray Boqorkii xabashida lakiin ah muslin sida ay sheegayaa yurubiyaanka ragoodii hore ee ahaa qoraaga ee dhulka afrika u tagay baadhista ay sheegayan in somaliya jir jirtay xilyada ayana ka heleen bawagihii la qoray wayadaa oo markaa ay ahayeen dad iyagu is maamula oo aan amar ka qadan xabashdii xiligaa jirtay sidaan sheekoyinka ku mqalay waxaa badan aad afka loogu dhiftaa Wiilwaal oo ahaa boqor siday sheegayaan culimada taariikhdu wuxuu jiray wiilwaal 1600 kii oo hada laga jooro muda aad u dheer. sidaan sheekoyin keen ku hayan wiilwaal wuxu ah nin laga baqo geesi iyo aftahmnimo u dheertahay, intaas uun baan ka maqalay xukun iisii lakiin sidii dowladiisu ahayd iyo siduu somali ula dhaqmi jiray waxan maqaly meehe wax kale kam hayno markaa taariikhda saxda ah ee somali isxukun ay gacantooda isku xukuman ay u bilabatay waa 1960 gii markii gobanimada laga qaatay isticmaarkii xiligaa. markaa al aan firini sidii loogu soo dagalamay dowaldaa dimuqradiga ah iyo siday ku dan baysay markaa halakan waxaan ku soo koobayaa bal siyaasada dowalda ama xukunka somaliya iyo siduu ahaa marka laga bilaabo intaan wada ogsonahay. siyaasad gooni isku taagta somaliya waxaa ugu horeyey Darawiishti oo diday xukun kii isticmaarka gooin ulabaxday xukunkoodii raayna ina ay somali meel isku wada xukunto kalan baxdo gacanta gumaysta amarkiisa.

Wacan oo wanagsan waxaad ku soo dhawaataan Taariikhda Gabanimada somaliyeed iyo dadkii u soo dagalamay. Gobanimada somaliyeed iyo Xornimadeeda waxaa loo soo maray dhibaatoyin waa wayan waxaan ka mid ahaa dil daca iyo colaad joogto ah waxay soo socotay in ka badan qarni waxaan maanta halakan ku soo qadayaa Tariikh hii dadka soo xera geliyay Somali nimada ama dadkiiiii dagalaka u galay.


Seyid Maxamed Cabdulle Xasan
TAARIIKH KOOBAN

Seyid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu kudhashay baliga lamagacbaxay Sacmadeeqo oo qiyaastii 11km (7mayl) woqooyi kaxiga Buuhoodle. Sannadkii uu seyidku dhashay waxay taariikhdu ahayd 1856, taas oo ahayd gu' barwaaqo ah oo la oran jirey Gobaysane. Hooyadiis waxaa la oranjirey Carra Seed Magan.

Abaarihii 1892 wuxuu u kicitimay Maka iyo Madiina, waxayna is raaceen 13 wadaad oo kale.

1895 ayuu seyidku kusoo laabtay dalka Soomaaliya, wuxuuna kasoo degey xeebta magaalada Berbera.

Waxaa taariikhdu werisey in markii uu Seyid Maxamed kasoodegey doonidii uu lasocday uu ingiriisku weydiiyey in uu bixiyo cashuur, wuxuuna ugu jawaabay: "Adiga yaa cashuurtii kaa qaaday markaad halakan ka soo degtay?". Dabadeedna afceliyihii baa kuyiri ingiriiskii "waa wadaad waalane inaka daa". Sidaa daraadeed waxaa ingiriisku ku magcaabay wadaadkii waalaa. Tuducdaas taariikheed waxaan kasoo xiganay buug ay qoray wasaaradii hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya sannadkii 1973dii.

Taariikhdii daraawiishta oo kooban ka akhri halkan

Daagaal kii iyo shaqadii xooga lahayd ee Darawiisheed waxaa noqodeen wax keeni wayay xornimadii la rabay. waxayna ku sii fidiyeen Somaliya Xoogii Gumaystah oo markii la arakay Somali in ay Rabto in ay ka bxdo gcanta Gumaystah uu Ingiriis u sameey Dowalda Gaar ah oo la dagalanta Daraawiishta iyo wixii raacaba si aan loo qadan Xornimo. Sidaad ku ku soo aragtaanba waxaa Siyaasada Cusub ee darawiishta keenay Saydi maxamed oo ahaa nin markaas ka cilmi badana somalidii halkaas joogtay siyaasada cusub ee uu Somalai u keenay waxay hada in la saaro Gumaystah laguna saaro Xoog ee aan Qalin la qadan oo Cilmul maxkaxiya lagu doona xornimada ee lagu doono Qori Caaradii. Wuxuu siyadaas Sayidku wadaba waxay ku dhamatay Meel madhan oo Darwiish waxay xoogaysatab markii danbe waxaay noqdeen meel babaday oo waa laga xoog batay, Taasi may reebin Xornima doon kii

SYL
15kii Maarso 1943kii ayaa 13 dhallinyaro ah oo magacyadoodu hoos kuqoranyihiin asaaseen xisbigii SYC), kaas oo markay taariikhdu ahayd 1947 isubedeley xisbigii SYL:

C/qaadir Sakhaawadiin
Yaasiin Xaaji Cusmaan Sharmaake
Sayid Xirsi Nuur
Maxamuud Cusmaan Baarbe
Daahir X Cusmaan Sharmaarke
Xaaji Muxumed Xuseen
Khaliif Hundow Macalim
Muxumed Faarax Hilowle
Muxumed Cabdulle Xayeesi
Cusmaan Geedi Raage
Dheere X Dheere
Muxamed Cali Nuur
Cali Xuseen Cali
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner