June 27, 2011

Beeraha Somaliyeed

SHARE
Dalaga beeraha Soomaaliya dhan farsamo iyo ka faa’iidaysi buuxa, wuxuu wali marayaa halkii uu marayay 60 sano ka hor. Waxaana runtii la dhihi karaa hoos u dhac baaxad leh ayaa ku timid ilaa xiligii uu bilowday dagaalkii sokeeye.
Beeraha Degmada Baardheere iyo guud ahaan Gobolka Gedo dhamaan dalagyada hoose way ka baxaan. Waxaa Soomaaliya ka baxa dhamaan dalagyada hoos ku taxan iyo kuwo kale. Webiga Jubba iyo Webiga Shabeelle ayaa waraabiya beeraha dalka kuwooda wax soosaarkoodu gaarsisanyahay xiligiiba sida deyr ama gu’ cadad kumanaan metric ton ah.
Nooca DalagaMudada Bixitaanka 

galay90 beri
masagada90 beri
sisinta90 beri
muuska180 beri
digirta80 beri
yaanyada80 beri
babaayga90
lowska120 beri
canbaha6 sano
liinta5 sano
bataatiga180 beri
Bulshada Soomaaliyeed waxaa ayaandaro u ah inaysan mar kaliya isku raacin inay ku qanacdo waxa dhulkeeda ka baxa. Inta aanan la gaarin nolol iyo helitaan adeega qalab iyo aaladaha nolosha sahla, waxaa Soomaaliya lacagtii ka dhamaystay cuntada oo inta badan dhoofin ku timaada. Wadamada dariska nala ah waxay quraacda aroortii, qadada maalinimada, cashada habeenkii iyo marti qaad oo dhan isticmaalaan waxa wadankooda ka baxa. Ururo iyo iskaashato beeralay Soomaaliyeed afkaartaas horumariyana wali nooma dhalan.
Cuna malaayga waa shay macaane, iyo Aan beero falanoo baahida aan ka baxnee, ayaan ugu dhawayn wacyigelinta inaan nolol ka dhigano waxa Alle na siiyay oo runtii barwaaqo aan la soo koobi karin ah. Ma ogtahay Kiinya oo dadaal badan, dadkeeduna wacyi qabaan in canbaha bar kaga yimaado Soomaalia?
Kiinya galay la habeeyay oo jariir laga dhigay oo ugaali la yiraah ayaa maalin walba warka idaacadaha lagu soo qaataa dowladana kaga hadashaa qorshe walba oo ay leedahay.
Itoobiya canjeero aad u balaaran oo qofka 3 xaboo kaliya kaafisa oo laga sameeyo ama loo yaqaan daafi ayaa la cunaa xili walba oo cunto-saddexda galinba.
Dhanka wadankeena, dalagyadaan mid walba midka kale wuu ka abuur sahlanyahay. Muuska ayaa ugu abuur sahlan. Laan baxaysa ayaa inta la soo gooyo dhulka laga taagaa ka dibna la waraabiya halkaasna geed kale oo wayn u noqon mudo yar ka dib, badiyaa 2 sano.
Bataatiga ama baradhada waa dalag cuntada daruuriga ah ka mid balse Soomaaliya kama baxo oo dhoof ayaa lagu keenaa. Walow cimilada kulaylaha ah ee dhulka beeralayda ee Soomaaliya uusan inta badan ku haboonayn beerista baradhada ama bataatiga, waxaa jiri kara meelo qabow oo heerkulka u saamaxayo beerista.
Waxaa dhul cimilo qabow leh laga helaa dhulka ka sareeyo bada boqolaal KM sida magaalada Baydhabo iyo magaalooyinka la mid ah xaga heer kulka.
Soomaalidu waxay beeraha u taqaannaa dhulka lagu beerto dalagyada loogu tala galay in laga dhigto cunto, laakiin waxaa soo galaaya dhaqashada xoolaha. Cilmiga barashada beeraha waxaa loola jeedaa barashada dhirta la beerto iyo xoolaha labadaba.
Beeraha Somaliya ugu wax soo saarka badanni waxay dhacaan dhul beeraadka ku yaal labada wabi ee Shabeelle iyo Jubba.
Gobollada Beereedka Soomaaliya
Gobollada Beeraha caanka ku ah waxey intooda badan dacaan koonfurta Soomaaliya sida Gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeellaha Dhexe, Gedo,Bay, Bakool, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Waxaa kaloo jira gobolka Hiiraan oo asagana ku yaala bartamaha soomaliya in dadka badankooda ay wax soo saarkooda uu ku tiirsanyahay beeraha.
Dalagyada aad loo Beero
Dalagyada aad loo beerto guud ahaan Soomaaliya iyada oo aan siday u kala badanyihiin aanan loo soo qorin waxaa ka mid ah: moos, liin, cambe, galay, babaay, qare, basal, sisin, digir, bocor, barbarooni, dabacaseeye, baradho (gobolka Bay), tuun, saytuun iyo mirro kale.
Dalagyada intaaan ka aheyn dhowr dalag sida liinta iyo cambaha, waxay beeraha badiyaa ku baxaan 3 bilood, ugu badanaan 5 bilood.
Geedaha cambaha waxay ku mirro dhalaan mudo ugu yaraan 5 sano ah. Liinta waa la mid. Geedka cambaha labo dhinac ayuu ka mirro dhalaa; dhan xili dhanka kalane xiliga xiga.
Nidaamka Qodaal Masno
Qodaal masno oo ah wax ku cusub beeralayda Soomaaliyeed ayaa ah habka midaynta dalaga iyo xoolaha nool. Wadamada caalamka intooda badan ee leh dhulbeeraad isla markaane xoolo dhaqdso, beeralaydooda way mideeyaan falashada beeraha iyo xanaaneynta xoolaha nool sida lo’da iyo digaag oo sahal u ah in lagu xanaaneeyo beerta dhexdeeda ama agteeda.
Hilib iyo caano ayaa loo xanaanayn karaa xoolaha sidaas oo kale lagu dhafo beerta. Badiyaa lo’da dhul biyo badan kama maaranto sidaas darteedna ay sahal u noqon karto maaraynta beer iyo tiro lo’ ah.
Mashaariicdii Horumarinta Beeraha
Dowladii Kacaanka oo adeegsanayso wasaarada Beeraha Soomaaliya iyo wakaaladaheedii, waxay dadaal farabadan galisay kobcinta waxsoosaarka wadanka. Waxaa la hormariyay beerihii ku yiilay dhulbeeereedka wadanka ee ku yaal wabiyaa laga soo bilaabo Jowhar, Jilib, Baardheere ilaa Luuq.
Mashaariicda dowlada ay ansixisay waxay iskugu jireen kuwo cilmiga beeraha kor u qaadayo iyo fidinta beeraha iyo badinta dalagyada ku saabsanaa.
Dejintii dadkii laga soo raray Abaartii Dabadheere ee 1974 degmooyinka Hobyo iyo Caynaba ayaa qoysas badan oo ka mid ahaa la baray beerofalashada.
Dhoofinta Waxsoosaarka Beerah
Dowlada Soomaaliya ka dib markii ay qaramaysay hantidii wadanka ee gumaystaha maamulayay, ayaa dhowr sano gudahood waxay dowlada suuqiyo cusub u iibgaysay dalagyadii saa’idka (surplus) ku noqday wadanka. Intii ka horaysay 1970yadii, wadanka Talyaaniga unbaa qaadan jiray inta badan waxyaabaha sida aadka ah loo dhoofiyo sida mooska.
Barashada Culuunta Beeraha
Jaamada Ummada laanteeda Beeraha ee Kulyada Beeraha Lafoole ama Agrario ayaa qayb libaax ka qaaadatay helitaanka farsamo cusub oo la xariirta beeraha.
Aqristoow adigana maxaad nagu soo kordhil laheed si aan ugu faa`iideyno umadeena, una tusno in anagoo dhulkeena wax ka qabsano eey ka qeeyr & niyad fiican tahay anagoo dhul aadan leheen wax ka qabsatid, waanu wada ognahay qurbajooga Soomaaliyeed meel walba oo eey joogaanba in eey habeen & maalin u ooynayaan dalkii hooyo “Dal aadan laheen dareen ku joog waaye” Marka maxaa tala ah oo aan ku wacyi galinaa umadeena si eey aayaheeda ugu sii baaran dagto..
Shabakada Baargaal.net

SHARE

Author: verified_user