3-qof oo dil iyo dhaawac loogu gaystay magaalada Boosaaso

(Baargaal.net )Magaalda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa dil iyo dhaawac loogu gaystay 3-qof oo ahaa dad shacab ah oo ku sugnaa goob maqaaxi ah oo ku taala bartmaha magaalada Boosaaso.
Dilkan ayaa wararka waxaa ay sheegayaan inay gaysteen laba qof oo ku hubaysnaa bastoolad kuwaasi oo goobta isaga baxsaday kadib markii falka uu dhacay,waxaana goobta gaaray ciidamo katirsan booliska magaalada Boosaaso oo baaritaano ka sameeyay goobta uu falkan ka dhacay hase yeeshee lama oga inay dad u qabteen iyo inkale.

Labada qof ee dilka iyo dhaawaca loo gaystay ayaa magacyadooda kale ahaa Cabdiqaadir Maxamuud Sardheeye (kuuluu) oo ahaa marxuumka geeriyooday iyo Maxamed Maxamuud Toostoosane (Tima Jilic) oo dhaawac kasoo gaaray tacshiirada la furay iyo qof kale oo la sheegay inuu ka mid ahaa barakacayaasha ku dhaqan magaalada Boosaaso oo xiligaasi ka tuuksanayay goobta uu falkan ka dhacay,waxaana dadka dhaawacmay la geeyay isbitaalka magaalada Boosaaso halkaasi oo dhaawacooda lagu dawaynayo.

Maamulka gobolka Bari iyo laamaha amaanka ee dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin falkan saakay kadhacay magaalada Boosaaso,waxaana arintan ay kusoo beegmaysaa xilli todobaadyadii ugu dambeeyay uu soo hagaagayay amaanka magaalada Boosaaso oo ay horay falal amaan daro ay uga dhaceen.
Developed by Jago Desain