Dad Safar Ahaa oo Lagu Laayey Duleedka Tuulada Kobdhexaad G/Bari

Dabley hubeysan ayaa jidka u galay dad musaafiriin ahaa kuwaas oo ka soo kicitimey magaalada Bosaso isla markaana ku sii jeedey degmada Qandala ee isla gobolka Bari.


Gawaarida sidey dadka rakaabka ah ayaa ka koobnaa ilaa saddex gaari, waxaana rasaasta dableydu kula beegsadeen meel aan waxbadan ka fogeyn daabiyadda Kobdhexaad, halkaas oo ay taaley bar kontorool oo canshuurta lagu qaado, Kobdhexaad waxay hoostagtaa degmada Ufeyn ee Gobolka Bari.

Khasaaraha ka dhashey weerarkan ayaa lagu sheegay in dhimashadu gaareyso ilaa 4 qof, halka dhaawacu gaarayo 15 qof, waxaana dhamaantood la geeyey Isbitaalada magaalada Bosaso, iyo rugta caafimaadka ee degmada Carmo.
Sababta ka danbeysa weerarkan ayaa lagu sheegay in ay ahayd mid ka danbeyso mashaqadii hadda ka hor ka dhacdey Tuulada Igdheys, taas oo aan weli wax xal ah loo helin, waxaana dilalka labada beelood dhexdooda ah ku dhintey dad badan kuwaas oo marar badan magtooda la kala qaatey isla markaana la kala saxiixdey heshiisyo aan hirgelin.
Developed by Jago Desain