GABAY : Marin seeg

Gabaygan lamagac baxay “MARIN SEEG” waxaa tiriyey Abwaan Cabdul-qaadir Maxamuud Cismaan oo ku magac dheer ” Mataan” , gabaygan ayaa wuxuu soo baxay Bishii October Kowdeeda ee 2010. Waa gabay iftiiminaya masuuliyada iyo sida ay hada u luntey. waana gabay aan is niri wuxuu ka taabanaayaa wax badan oo xiligan dhacaaya
Gabaygan ayaa ah gabay murti badan laga dheehan karo isla markaana sarbeeb badan ay ku jirto

Haday taladu kaa siibatoo marrinka aad seegto
Saldhigeeda xaajadu haday kugu sakiirawdo
Adoo eeda saanyadey hadaad saxi aqoon weydo

Xaajada rag saafiyo hadaan odaya loo soocin
Haday waaya sii socoto waa lala sureeraaye
Sanahaabo goortay dhacdaa lal salcaamaaye

Markay godobtu sedarka u gasho saac wareen mudane
Kala soocantoo maalintaa layska kala soofye
Saansaanka ii muuqda waa seben colaadeede

Duufanadu ninkii ay sitaan waa sabayn jiraye
Intaan sababta geeridu ku iman gebi ka sayraarye
Goortuu xunbada sacab ku dhigo moodyey saacidoe

waxaan nabadi sugin baan colaad lagu salaaxayne
Nina kuma samaadoo nafluhu kuma siraataane
Soo joog nin laga waayeyoow seexashaa xigiye

Ardaalnimo sacabsaday garasho seegtaaye
Inta uu sudkiisii dab sudho hulucna sii saarye
Dabkii seexan waayaa naflaha waa sakalayaaye
Inay saatan dhaantiyo wanaag waa ka saahidaye

Siximada kuwii fuulayoo saabka ka coloobey
Iyagoon salaantiyo wejiga midi mid siinaynin
Inaysan samatabixin baa midkood saatir haybsadaye
Mana garan inaw siman yihiin saymahaa dhiciye

Ragii surinka miinada dhigee saancadaha keenay
Oo sebeno boraanta qoday siriqna qoolaayey
Ee si aan haboonayn faloo dabinka seeraayey

Suryadey dhigeen baa ridoo goysey seedahae
Wax sidaa ka dhigan baa arkoo lay sawirayaaye
Ninkii samaha diidaw waxaad saadsataad heliye

Nin colaad u sacabaynayaa yeedhi siidhigae
Mar hadaanu suurayn karayn say hadhow noqone
Talo xumo nimay sahansatow soo gal hay odhane

Nin walboo masuul sare noqdaa eedu sadataaye
Mar haduu maqaar saar batiyo weel sisibadeede
In la saanto daayoo wallaan xili u saarnayane

Horu socod ma muuqdiyo inay gaadho heer sare e
Waa dhagax sayaxay oo kaloo aan salkii qoyine
Sacab tima le weeyaan ninkii guul ka sugayoe

Iminkana sakiin miridhay baa laysku sarayaaaye
Inuu saayid kuu soo kordhaa kama sugaysaane
Sirahaa shisheeyuhu watey duub u sidataaye
Waxba haygu sacabayn ninkii suuban filayowe

Sidatani si maahee intuu saxalku meeraayo
Sinaan iyo cadaaladi intay samada meerayso
Haw suuldhabaalayn ninkii sii sasabayowe

Anaa saamigaa liyo anaa saanadow ridae
Anaa seefta daabka u hayoo kuu siyaasiyae
Inta xaalku saa uu ku jiro waad siloon tahaye

Hankeenii sareeyiyo qabkii saaka waa jabaye
Ku karaama seegtoo nafluhu siidh xun kuu aragye
Sumcad iyo waxay sharaf lahayd waad sagootidaye

Inta ay sidii nacabku rabo wada samaynayso
Inta ay sinyoorow hayaan sun iyo waabayda
Inta cadawgu soofaynayoo amarka siinaayo

Inta ay sirdoonka u yihiin niman sunuud qaata
Maan gaab sawaab iyo intay doqonta saayeyso
Sahal maaha soomaalinimo inay saraysaaye



Abwaan Mataan
Mataan01@hotmail.com

Republished by :
Baargaal Net
Developed by Jago Desain