Khayraadka Bisha Ramadaan

Bisha Ramadaan waa bil qaali ah oo ahmiyad weyn ku fadhida, mudanna in laga faa’iidaysto oo la kasbado kheyraadka iyo barakooyinka ay wadato, taas oo ku xidhan dadaal iyo niyad wanaagsan,waa bil khayr badan oo Shayaadiintu xidhxidhan tahay.

Bisha Ramadaan waa bisha 9aad ee bilaha Hijriga ah,waxana la sharciyeeyey oo la waajib yeelay bishii Shacbaan ee Sannadkii Labaad ee Hijriyada.

Bisha Ramadaan waa bil uu Illaahay subxaana watacaalaa, u doortay inay ahaato bil loo soomo oo loo afxidhnaado Illaahay dartii,oo laga dheeraado cuntada,cabbidda iyo shahwad iyo denbiga kale oo dhan.
Soonku waxa uu ka mid yahay cibaadooyinka Alle ku waajib yeelay dadka oo dhan.
Cibaadadu waa ta Alle subxaana watacaalaa inoo abuuray,oo Alle mooyee ma jiro cid kale oo xaq lagu caabudaa:

وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون ما أريد منهم من رزق وما أريد أن يطعمون إنّ الله هوالرّزاق ذو القوة المتين( الذاريات)

Aayadda:Uma aan abuurin Jinka iyo Insiga inay i caabudaan mooyaane wax kale, kama rabo risiq iyo inay i quudiyaan,Illaahay ayaa Raasiq ah,oo leh quwad xoog leh.
Cibaadadu waa dhamaan wax Alla wixii qofka ka soo fula ee uu ku kaco ama sameeyo,ee isugu jira waxa uu niyadda ka doono iyo waxa uu qowl ama hadal ahaan u yidhaahdo,ama waxa uu hawl ahaan ama ficil ahaan u sameeyo ee ula yimaaddo:

قل إنّ صلاتي ونسكي ومحياي ومماتيّ لله ربّ العالمين لا شريك له وبذالك أمرت وأنا أوّل المسلمين(ألأنعام)

Aayadda:waxad tidhaahdaa(Nebi Allow)salaaddayda iyo camalkayga dar Alleed,iyo noloshayda iyo dhimashadayduba Alle ayay u sugan yihiin,oo wax shariig ah ma laha, sidaas ayaana lay amray,waxanan ahay Muslimiinta ka ugu horreeya.
Cibaadada Alle innagu waajib yeelay waxa ka mid ah Soonka,waana Rugniga 4aad ee Arkaanta Islaamka,waxana qofku isu afxidhayaa dar Alle,oo cuntada iyo cabbidda iyo sahwada ka soomayaa,sidoo kale isha iyo hadalka xun ee aan wanaagsanayn.

يا أيّها الّذين آمنوا كتب عليكم الصّيام كما كتب على الّذين من قبلكم لعلكم تتّقون(البقرة)

Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow waajib ayaa laydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane.
waxa iyana sunne ah oo la soomaa 6da shawaalka,ee ah bisha ku xigta bisha Ramadaan,oo ilaa bilowgeeda iyo dhamaadka bishaa shawaal aad ama lixda maalmood isku xejin karto,ama kala googoyn kartid.
Waxa Illaahay subxaana watacaalaa raxmaddiisa kaga dhigay 30 kii casho ee Ramadaanta in maalintiiba la mid tahay toban casho oo halkaa ay ku noqonayso in aad soontay in le’eg 300 oo casho,haddaad 6da shawaal ku darto,maalintiiba ay kuula mid tahay toban iyana waa 60 casho,markaad isu geyso waa adigoo sannad soomay 360 maalmood,waa fadliga Alle iyo naxariistiisa uu Addoomadiisa ugu nimceeyey.
Qofku soonka waxa uu ku kasbadaa derejo iyo ajar badan,oo khayrkiisa lama koobo:

وأن تصوموا خير لكم إن كنتم تعلمون(البقرة)

Aayadda:in aad soontaan ayaa idiin khayr badan haddaad garanaysaan oo ogtihiin.
Illaahay subxaana watacaalaa wuxu kitaabkiisa kariinka ah ku sheegay oo yidhi:Waajib ayaa laydinkaga yeelay Soonka sidii loogaga waajib yeelay kuwii idinka horreeyey,waxa la arkaa inaad cabsataane.
Cabsida Illaahay waa mid koobsanaysa ficilka aad samaynayso iyo dareenkaaga hoose oo aad ka dhigto saafi oo niyad wanaagsan iyo rajo fiican mar kasta ku jirto camalkuna rumeeyo.


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم” : من صام رمضان ايمانا واحتسابا، غفر له ما تقدم من ذنبه، ومن قام ليلة القدر إيمانا واحتسابا، غفر له ما تقدم من ذنبه. (رواه أبو هريرة)

Xadiiska:Rasuulka illaahay nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi: Qofka sooma si iimaan iyo niyad ah oo illaahay ka filaya ajar illaahay wuu dhaafaa denbi wuxu hore ula yimi,Qofka isna ooga ee u kaca Habeenka Leylatulqadriga si iimaan iyo niyad ah oo illaahay ajar ka filaya ajar illaahay wuu dhaafaa denbi wuxu hore ula yimi.


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم”كل عمل ابن اّدم يضاعف: الحسنة بعشر امثالها الي سبعمائة ضعف، قال الله تعالي: إلا الصوم ، فإنه لي وأنا أجزي به. يدع شهوته وطعامه وشرابه من أجلي.


Xadiisul qudduska:Rasuulka Illaahay nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi:Camal kasta oo Bini-Aadamku sameeyo waa loo labanlaabaa,xasano kasta toban la mid ah ilaa iyo Todoba Boqol oo labanlaab ayaa la siiyaa,Alle waxa uu yidhi: Soonka mooyee isaga Anaa iska leh oo aanaa ugu Abaalgudaya kii sooma,waayo dartay ayuu isaga joojiyey oo u daayey Cuntadii,Cabbidii iyo Shahwadiisiiba.
Qofka Muslinka ahi waa inuu Cusboonaysiiyaa Camalkiisa iyo Cibaadadiisa oo Toobada badiyaa,waa bil barakaad iyo kheyraadkeedu badan yahay:


قال رسول الله صلى الله عليه وسلم “أتاكم رمضان شهر مبارك فرض الله عز وجل عليكم صيامه، تفتح فيه أبواب السماء، وتغلق فيه أبواب الجحيم، وتغل فيه مردة الشياطين، لله فيه ليلة خير من ألف شهر”

Xadiiska:waxa Rusuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee yidhi:Waxa idiin yimi Ramadaan oo ah bil barakaysan,Alla Isagaa weyn oo korreeyee waxa uu idinku waajib yeelay Soon,waxa la furaa bishaa Albaabada Samada waxana la xidhaa Albaabada Jaxiima,Shaydaannadana waa la dheereeyaa oo la xidhxidhaa,waxa bishaa ku jira Habeen ka fadli badan Kun bilood(Leylatul qadriga).
Shuruudaha Soonka:
Shuruuhada Soonka waxyar bay ku kala tagsan yihiin Madaahibtu laakiin maadaama Mujtamaceennu Shaaficiyiin wada yihiin waxan soo qaadanaynaa Shuruudaha Shaaficiyada:

Shardiyada waajibka ah:

1-Qaangaadhnimo
2-Islaamnimo
3-Caqli
4-Awoodid dareen iyo sharciba

Arkaanta Soonka:


Arkaanta Soonka waxa loo badiyaa laba rukni:
1-Niyad(in qofku niyaysto inuu soomaya illaahay dartii)
2-Afxidh iyo ka dheeraansho wax kastoo jebinaya ama burinaya Soonka
Cudurdaarka Afuriddu bannaan tahay:
Qofka cudurdaarka leh wuu afuri karaa iyadoo uu qalle ula iman doono intii dhaaftay oo isagaa xor u ah inuu xidhiidhiyo maalmaha ka tegey iyo inuu kala googooyo waase inaanay Ramadaanta kale ku soo gaadhin iyadoo lagu leeyahay tii hore ama maalmo tii hore ka mid ah markaa wuxu bixinayaa fidyo oo wuxu maalin kasta cuntaysiinayaa qof Miskiin ah ama Lacag ayuu qiimihii cuntada u siin karaa.
Cudurdaarrada waxa ka mid ah:
1-Xanuun:Qofka xanuun hayo een awoodi karin Soomidda ama ka cabsooda inuu xanuunku ku sii fido oo halis gelinayo waa afuri karaa,dhakhtarkuna caddeeyo.
2-Safar:Safar qofku galo oon ka yarayn 84 km qofka safarka ku jira hadduu ku adkaado wuu afuri karaa.
3-Dhiigga xaydka iyo Nifaaska
4-Uurka iyo Naasnuujinta:hadduu Hooyadu ay u baqdo ilmaha uurka ku jira ama nafteeda sidoo kale ilmuhu inuu caano waayo oo ay u baqdo way afuraysaa,ka dib fidyo ama qalle ayay samaynaysaa.
5-Da’ weynida:Qofka da’da ah ee aan awoodi karayn Soonka wuu afurayaa wuxuna bixinayaa Fidyo.
6-Hawl ama Shaqo dhib badan:qofka meel kale oo aan shaqadaas ahayn aanu risiq ka soo gelayn ee dantu ku shasbayso,shaqaduna aad u adag tahay wuu afurayaa wuuna qallaynayaa.
Bisha Ramadaan waa bil baraka badan waa bishii Quraanku soo degey:

شهر رمضان الذي أنزل فيه القرآن هدىً للناس وبينات من الهدى والفرقان ( البقرة)

Aayadda:Bisha Ramadaan waa tii uu soo degey Quraanku ee u ahaaday dadka hanuun iyo bayaan cad oo hanuun iyo kala sooc ah(yacni kala soocidda xaqa iyo baadilka).
Bisha Ramadaan waa bishii ugu Intisaaraad iyo Guulo badnayd Qasawaadkii iyo Dagaaladii Muslimiintu Gaalada la galeen.
Bisha Ramadaan waa bisha Toobadda iyo denbi dhaafka iyadoo mar kasta ay furan tahay haddana bishani waxay leedahay siyaado gaar ah eeg xadiiskan:


عن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( الصلوات الخمس، والجمعة إلى الجمعة، ورمضان إلى رمضان، مكفرات لما بينهن إذا اجتنبت الكبائر(

Xadiiska:Abi Hurayra Alle ha ka raalli ahaadee waxa laga weriyey in Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaateeuu yidhi:Salaadaha shanta ah iyo Salaadda Jimce ilaa iyo Jimcaha kale iyo Ramadaan ilaa iyo Ramadaanta kale waxay masaxaan oo tirtiraan wixii u dhexeeyey ee denbi ahaa,haddii qofku ka dheeraado denbiyada waaweeyn ee kabaa’irta ah.
Bisha Ramadaan waxa loo qaybiyaa saddex qaybood oo min toban ah:Tobanka hore waa RAXMAD,Tobanka dhexe waa denbi dhaaf MAQFIRO,Tobanka danbena waa cadaabkoo layska xoreeyo CITQU MINA NAAR.
Bisha Ramadaan khayraadkeeda waxa ka mid ah waa bisha Samirka,oo qofku waxa uu u sabrayaa gaajada iyo harraadka Alle dartii.
Soonka gudihiisa qofku wuxu iska mamnuucayaa wax kastoo naftiisu xiisaynayso ee jebinaya soonkiisa waana samrid uu u samrayo isagoo amarka Eebbihiis raacaya maraa Soonku Samirka badh buu ka noqday Samirkana abaalkiisu waa Janno ayaa illaahay Quraakiisa ku yidhi:

إنّما يوفى الصّابرون أجرهم بغير حساب(الزمر﴾

Aayadda:waa loo oofinayaa kuwa sabra ajarkooda isagoo xisaab la’aan ah.
Bisha Ramadaan waa bil ducada Illaahay aqbalo Shahru ducaa:

وقال رسول الله صلى الله عليه وسلم”: ثلاثة لا ترد دعوتهم:الصائم حتى يفطر، والإمام العادل، ودعوة المظلوم. رواه أحمد.

Xadiiska:Rasuulka Alle Nabadgelyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: Saddex ducadooda lama celiyo oo waa la aqbalaa:Qofka sooman ilaa uu afurayo, Iimaan caadil ah(Madaxweyne ama Boqor) iyo ducada qof dulman(qof la dulmay).
Soonku wuxu u wanaagsan yahay caafimaadka iyo sixada jidhka,waxa unugyadii aanu jidhku u baahnayn ku dhaca ka takhalusid,unugyada kalena dib u cusboonaan ayay sameeyaan oo si firfircoon u hawl galaan,waxa sidoo kale habaysma inta guluukoos ee jidhku u baaha yahay,waxana jidhku helaa dheelitir dhinacyada tamarta iyo booratiinka ama faatiska ee u baahan inuu saamigal mucayan ah lahaado,sidoo kale xanuunno badan ayuu dawo u yahay sida Macaanka ama Sonkorta,Xanuunnada bararka,Xanuunnada jeldiga ama dubka jidhka ku dhaca,Xanuunnada Qalbiga iyo kuwa Maskaxda iyo kuwo kale oo badan.
Sidoo kale Soonku wuxu daweeyaa Ruuxda iyo Nafta oo ka dhigaa mid saafinimo iyo suubbanaan ku sifoowda,oo qofka sooman wuxu markasta ku xidhan yahay Illaahii abuurtay,wuxuna ku fekerayaa Koonkan iyo Makhluuqaadka kala geddisan ee Illaahay abuuray,Maskaxdiisana wax denbi ah kuma soo dhacayaan,Quraan akhris iyo duco iyo khayr buu qofku ku dhexjiraa,taas oo ka dhigaysa qof Macnawiyaadkiisu sarreeyo oo iimaanku u buuxo.
Waxa markhaati beenaalaha iyo hadalka beenta ahiba buriyaan soonka,oo haddii uu qof soomani been sheego ama ku camal falo soonkiisu waa ka kac:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم” من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه”. رواه البخاري.
Xadiiska:waxa Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi:kii aan ka tegey hadalka beenta ah,iyo ku camal falkiisa,Alle waxba uguma filna in uu ka tego cuntadiisa iyo cabbiddiisaba.
Qofka soommani laba farxadood ayuu helaa markuu afurayo iyo markuu Alle la kulmo,ee laga abaalmarinayo soonkiisii:

وقال رسول الله صلى الله عليه وسلم:”للصائم فرحتان فرحة عند فطره وفرحة عند لقاء ربه”

Xadiiska:Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi:
Qofka soomaa laba farxadood ayuu la kulmaa,oo leeyahay:farxadi waa marka uu afurayo,iyo farxad marka uu Rabbigiis la kulmo.
Allah waxaan ka baryeynaa in uu ina waafajiyo khayraadka Bisha ramadaan
Aamin

Baargaal.net
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain