Faahfaahin ka Soo Baxaysa Saddex Ruux oo Al-Shabaab ku Dileen Degmada Dayniile

 Faahfaahin dheeraaad ah ayaa ka soo baxaysa saddex ruux oo dhalinyaro ah kuwaasoo maalintii shalay ururka Al-Shabaab ay ku toogteen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho iyagoo ku eedeeyey inay u basaasayeen DKMG Soomaaliya.
Warar laga heley dad kusugan deegaanka ayaa xaqiijiyey in labo ka mid ah saddexda ruux ay ahaayeen dhalinyaro ay dhowaan soo qabteen ciidamada Al-Shabaab kuwaasoo ay ku tuhmeen inay xiriir la leeyihiin DKMG Soomaaliya walow aysan jirin cadeyn arintaasi ku saabsan oo ay Shabaab soo bandhigeen.
Waxaana labadaasi dhalinyarada ee ay dileen shalay Al-Shabaab lagu kala magacaabi jiray:-
1- Xuseen Maxamed C/laahi oo ah 16-jir
2- Cabdi Burkaan Macalin oo 25 jir.
Dhanka kale waxaa wararka dadka laga helayo ay sheegaan in ninka saddexaad ee Al-Shabaab maalintii shalay ku dileen degmada Dayniile oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi, 31 jir ahaa uu hore uga tirsanaa ururka Al-Shabaab.
Ibraahim Cabdi ayaa laga soo qabtay degmada Dhoobley halkaasoo uu ka mid ahaa saraakiishii Al-Shabaab ee degmadaasi ka hor intii aysan ciidamada DKMG qabsanin Dhoobley, balse waxaa xarigiisu uu yimid ka dib markii lagu eedeyey inuu wax ka ogaa qorshihii dagaal ee ciidamada DKMG ku qabsadeen magaalada Dhoobley iyadoo saraakiisha Shabaab ay ninkaasi sheegeen inuu si hoose ula shaqeynayey DKMG, waxaana ugu dambeyntii shalay lagu dilay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Dilalkan ay shalay saddexda ruux ku fuliyeen ururka Al-Shabaab ayaan ahayn kuwii ugu horeeyey ee lagu fuliyo dad ay ku eedeeyeen inay basaasiin u yihiin DKMG balse waxay dilalka yimaadeen xilli Al-Shabaab ay isaga bexeen inta badan magaalada Muqdisho. 
Developed by Jago Desain