Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Puntland oo Bosaso Lagu Diley

Waxaa maantey rag hubeysan ay ku dileen bartamaha magaalada Bosaso Col.Halac oo xiliyadii u danbeeyey ahaa Taliyaha ciidanka Booliska aaga Galgala.
Col.Halac Markii la dilaayey waxa uu ka soo baxay goob timaha lagu jarto, waxaana la sheegay in dilkiisa ay fuliyeen rag ku hubeysnaa baaskoolado kuwaas oo goobta ka baxsadey.
Col.Halac ayaa la sheegay in muddooyinkii u danbeeyey uu aad ugu mashquulsanaa soo afjarida colaada ka taagneyd buuraleyda deegaanka Galgala, waxaana uu xubin ka ahaa guddiga nabad ku soo dabaalida deegaankaas.
Dilalka qorsheysan ee aalaaba lala eegto saraakiisha iyo shaqaalaha dawladda ayaa ah kuwo aan weli soo afjarmin waxaana sidaan oo kale habeen hore Gaalkacyo lagu diley masuul ka tisan maamulka magaalada kaas oo lagu magacaabi jirey Axmed Cilmi Cismaan.
Developed by Jago Desain