Dhaqatiir Turkish ah oo Maanta ka soo degtay Garoonka Boosaaso

Dhaqatiirtan oo ka timid dalka Turkiga ayaa soo gaadhey Maanta Magaalada Boosaaso ee Xarrunta gobolka bari, kuwaasi oo ku suganaa maalmihii aan soo dhaafnay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaarada caafimaadka Puntladn Dr.Cali Cabdilaahi Warsame oo Hogaaminayey dhaqatiirtan Maanta soo gaadhey Magaalada Boosaaso ayaa si heer qaran ah loogu soo dhoweyey Garoonka caalamiga ah ee dulimaadka diyaaraha ee Benderqasim International Airport oo ay ka muuqdeen Ururada dhalinyarada Cafimaadka shaqaalaha wasaarada Cafimaadka, shaqaalah cisbitalka guud ee Benderqasim internotional Airport iyo Masuliyiin ka socota dhanka Maamulka Gobolkan Bari oo uu ugu Horeeyo Agaasimaha guud ee cisbtalka iyo Maamulka Gobolkan kan degmada iyo bahda saxaafada G/Bari.

Dhaqatiirtan ayaa ka howlbilaabay cisbtalka guud ee Magaalada Boosaaso oo dhisme Qurxoon oo dhowaan la dhisay Qada sharaf loogu samayey Masuuliyiintii ka socotey Dhanka Turkiga ee Howlaha qaliinka tabarucaadka ah ka wada Puntland, Waxaana la soo dhexmaryay oo la tusay

cisbtalka qaybihiisa kala duwan, iyadoo uu yahay cisbitalka Magaalada Boosaaso iminka mid caalami ah marka loo eego Gobolada kale ee dalka soomaaliya.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain