Home » , » Garaad Wiil Waal & Cali “Sheeko Xikmadeysan”

Garaad Wiil Waal & Cali “Sheeko Xikmadeysan”

Written By mohamed ibrahim on September 06, 2011 | 10:47 PM

Halkaan waxaan maanta idinku soo gudbinaynaa sheeko ka hadlaysa xaalada ka taagan degaanadeena oo loo baahanyahay dadbadani inay ku ficilqaataan oo xikmadaas ka faa'iidaystaan

Waxaa jiray boqor Soomaaliyeed oo caan ahaa oo ka talin jiray degaanka Jigjiga caasimadda u tahay. Waxaa boqorkaa la odhan jiray Garaad Wiilwaal wuxuuna ahaa nin aragti soofaysan, aftahanimo, iyo hogaamin aad u heersarraysa Alle weyne ku manaysatay. Wuxuu dagaal galaa-bixin jiray niman Galla ah oo uu dhul badan ka furtay. Wuxuu ahaa nin weedhiisu ka socoto degaanka u dhexeeya Herar iyo Jigjiga iyo dhulalka dariska la ah. Colaad iyo nabadgelyaba wuxuu ahaa hormuud Soomaaliyi ku dhaarato gabyaa culusna ah. Saldano taam ah iyo tol aad u tanaaday oo xoog badan markii uu isku hubsaday ayuu is cajabiyey oo wuxuu isku qanciyey inaan Bartire nin la aragti ah ama kusoo dhaw ku jirin.

Sidoo kale waxaa jiray wiil dhalin yar oo qeyrada Garaadku ka dhashay ahaa Illaahayna dadka wax walba uma siminee ku manaystay bidhaan, hadal macaan, aftahanimo, iyo garasho heersare ah. Cali ayuu ahaa magaciisu. Wuxuu Cali caashaqay haweenay ka mid ahayd haweenkii Garaadka oo uu wacad ku maray inuu wax walba oo aan dhiig-sokeeye ahayn oo ay ku qaadataba mar guri haweenaydaasi xaas ka tahay yagleelo. In muddo ah wuxuu ku taamo siddii dabin mar haweenaydaa uu kula kulmo uu qooli lahaaba, habeenkii dambe ayuu ku guulaystay inuu la kaliyeysto oo haasaawe aan kala go’ lahayn iyo ‘hadal beenta ka fiican runna raad ku lahayn’ la qaadaa-dhigay.
Mar saddexaad, waxaa jirtay xaaska Garaadka ee Cali jeclaaday oo ahayd haweenay aragti fog Garaad Wiilwaalna u ahayd dhidib adag, mar walba halkii uu goldaloolo ka yeelan karaba u tilmaanta, xasarad walbana u marta siddii saygeedu ugu nagaan lahaa saldanada Bartire islaweyni iyo qab ragna uusan sabab u noqonin burburka boqortooyadan balaadhan. Waxaa u muuqatay muhiimadda ay boqortooyadu u leedahay tolkeed oo colaad af-dhiige ah hareeraysay iyo in hogaamiye sida odaygeeda adag aysan ka maarmin. Sida aad sheekadaba ka dheegan doonto, waxay ahayd gabadh aan ragga waxba u ogayn dhinac walba oo aad ka eegto kuna habboonayd inay Garaad Wiil Waal u dhaxdo.

Inkasta oo ay garashada qofka Soomaaliyeed ku adagtahay in shaqsi kale udub dhexaad u noqdo sheeko Garaadka magaciisu ka dhex yeedhay, haddana waxaa xaqiiqo ah inay lama huraan tahay in Cali lagu hormaro si qodbaqaadka sheekadu u hagaago.

Cali afadii Garaadka waa kii jeclaaday. Wuxuu sheedda ka ilxoolaadiyaba habeenkii dambe ayuu sida kor ku xusan badheedhihiisii caddaystay. Naa dee waan ku jeclahay oo adiga ayaan dumar kaa calmaday haddii aadan wax ila qabanna halis ayaan ku jiraa! Intaa dumar Ilaahay badiyey mid aan adiga ahayn oo aan sidaa u eegaayi ma jirto. Sidaa awgeed nin dhalin yar oo ku dhaqan kara maskax iyo maalna Ilaahay siiyey ayaan ahayee ‘ha i diidin waa anigaa ku jecel sida dhashaadiiye’ ayuu wax qalqaashaday. Haweenaydii haye iyo hawraarsana ma odhan hah iyo hoogayee muxuu yidhi, naa yuu imooday toonana ma odhan. Hadal aflagaado laga dhawray diidmo qayaxanse ah ayey ku yuubtay. Waxay damacday inay dhinacyo badan wax ka tusto iyadoo waliba rabta inay ka gun gaadho damaca xiiraya ee Cali.

War miyaadan ogeyn inaan Garaadka xaaskiisii ahay? Oo miyaadan naftaada uun u baqaynin wax walba oo kale haddii aad xeerin weydo? Miyaadan wiilkaa yar ee xariirta ah ahayn, oo dumar taad doontaba ka heli karin? Maxaad ku doontay haweenay nin kale u dhaxday? Miyaan gabdho turaabtaa ahayn see wax yihiin? Hadalo aan sidaa iyo si u eg ku qiyaasay ayey gabbaad ka dhigatay oo ku bushisay damacii Cali. Nin meeli u caddahay meeli ka madow baa la yidhiyee, Cali caqli celintaasi ma kaafiyin. Naa waxaa ka bax oo waan ku rabaaye anigaa arinta maarayn doona ee ha i diidin oo mar uun haye afkaaga ha ka yeedho ayuu soo celiyey?

Waxaad moodaa Cali inuu aad ugu dhagganaa fikir raggii xilligaa noolaa badankiisu qabay oo ku salaynaysnaa maahmaahdii isla iyagaasi sargooyeen ee ahayd “kas naageed oo kadaloob rag kaaga dambeeyey kaad ogayd ma aha.” Inkasta oo haweenayda rabitaankeedu caddaa, wax damac ah oo ay u haysay Calina uusan jirin, inay markaaba ku dalbato rag u dhaganugul fulinta amarka Garaadka si ay abaalkii uga waraabiyaana awooday, si kale ayey maaganayd. Waxay rabtay darsi lama iloobaan ah in odaygeeda ka barto dhacdadan. Calina isaga oo ay maahmaahdaa khaldan maddaxiisa ka guuxayso, kartidiisa iyo hadal wanaagiisana ku kalsoon ayuu in badan abla-ableeyey siddii uu gabadha madaxeeda minjo oogu roggi lahaa.

Jilibka ayuuu xodxodasho u aastay. Wax la haasaawaba goortii in la kala hoydo loo hogbaday ayey waxay dacal go’ii uu hullaabnaa ka mid ah marisay asal si ammaarad barri loogu garto ay u noqoto. Ha la yaaabin in Cali go watay maxaa yeelay waqtigaas ragga Soomaaliyeed sidaa ayey u labisan jireen. Waxay ahayd intaan macawisaha, saraawiisha iyo dhamaan dharka tolan geyiga Soomaaliyeed soo gaadhin. Cali isaga oo aan wali dhooroofin sirta ay haweenaydu la damacsan tahay, damaciisiina aan waxba uga hirgalin ayuu cadho la luuday. Wuxuuse naftiisa ku samirsiiyey inuu soo noqon doono isna oggolaysiin doono haweenayda.

Kalkii xigay ee Garaadku gurigiisii usoo hoyday ayey maamuus ka dib u sheegtay wixii dhacay oo dhan. Waxay ku dhammaysay xogwarankeedii “nin kula caqli iyo hawaba ah ama noqon kara ayaa Bartire ku jira ee hooy qabka jooji.“ “Ninbaa xalay oo dhan i shukaansanayey oo go’aan ku gaadhay inuu iga kaa qaado.“ Garaadkii ayaa cadho cirkaa maray oo si qaadan waa iyo quudhsi ku jiro u yidhi “waa kuma ninkaasi habeenkaa caawa ah ayaan unuunkiisa jarayaaye?“ Way u dajisay oo tidhi waxba inaad dagaalantid uma baahnid saa damac uu isagu i damco waa halkiisee, waxba iga qaadi mahayo aniguna doonimahayo isaga. Waxaanse kuu shegayaa calaamad aad ku garan doonto barrito marka tolku shirayo ee aad ragga Bartire isugu yeedho. Oo maxay tahay calaamadaasi ayuu weydiiyey? Afarta faraq ee go’iisa mid ka mid ah ayaan xalay aslay oo sidaa ayaad ku garan doontaa. Waayahay bal barito waxaan ku dhigo hala soo dhawro ayuu Garaadkii ku seexday.

Cali nin irdhoon buu ahaaye gurigiisii markii uu tagay kadib ayaa waxaa ishiisu qabatay go’iisa oo ini guduudan tahay oo asal waxaad moodo ka muuqdo. War tolow yaa kuu cillaamay, ayuu isweydiiyey. Islamarkiiba intuu isagu isu jawaabay ayuu wuxuu fahmay inuu suntanyahay oo calaamad ragga lagaga sooco haweenaydii ku dhufatay. Wuxuu goostay inuu is badbaadiyo si aan qorshihiisu u fashilmin amnigiisuna halis u galin. Habeenkii ayuu si dhuumasho ah u guureeyey oo rag lagu qiyaasay 20 oo kuwa barri geedka shirka iman doona ka mid ah in asal ah go’yaashoodii kusoo wada jiiday. Haddii la barqaystay guurtidiina isu timid Garaadkii ayaa si doqoni ma garatay ah isha raggii ula raacay bal si uu u arko yarkii xalay afadiisa shukaansaday.

Jahjahasho gaaban ka dib, wuxuu la kulmay wax mucjiso ku noqday. Rag aan ka yarayn 20 oo wuxuu arkay mid walba dhinaca asal ku leeyahay. Haweenaydiisii ayuu u cadhooday oo uu is yidhi maxay kaa lugoynaysaa! Gurigiisii markuu ku noqday ayuu warsaday waxa ay uga jeeday macluumaadkii ay siisay. Ninkii miyaadan arag ayey su’aashay? Suuye ilaa 20 nin ayaa dacalka wada casaa ee waa see xaalku? Miyaanan kuu sheegin in nin kula garaad ah Bartire ku jiro ayey u celisay, qosol dheer dabadii.

Habeenkii xigay ayuu Cali soo noqday oo isku dayey inuu mar kale beer jileecsado haweenaydii isagoo hadalo macaan ka dib weydiiyey bal in mawqifkeedii wax iska badalay. Xaaraan caleeg iyo maya ayey isu raacisay, inuusan meesha ku dibdhicinna way u sheegtay hase yeeshee waa layska haasaaway in muddo ah ileen midkood walba dan gooni ah ayuu wataaye. Markii uu dheelman doono ayey isagoon dareensanayn go’ii uu hagoognaa fiidda hoose in yar ka goysay si bal ay calaamad ugu noqoto Garaadka barritoole. Markii Garaadkii soo hoydayna warkii ayey ku taabatay oo tidhi waxaad raadisaa nin dhinac go’an. Garaadkiina waa yahay kan yar bixisaa wadaan u malayne ayuu ku laabriixday.

Cali haddii uu gurigiisii tagay wuxuu markiiba isha ku dhuftay go’iisii oo dhinac dulaaqan yahay. Wuxuu gartay in haweenaydii mar kale sumadday. Isla habeenkii ayuu guuray oo uu si kali kali ah ula kulmay kontomeeyo nin oo uu ka dhaadhiciyey in Garaad Wiil Waal faray in dhammaan ragga barri kulmi doona mid walba go’iisa dacal ka gooyo. Waa arin yaab leh oo ay adag tahay inaan fahamno wuxuu uga jeedo, laakiin waa Garaadkeenii waxaanan hubaa inuu wanaageena laabta ku hayo sidaa awgeed waa inaynu adeecnaa oo aan fulinaa amarkiisa ayuu xujaystay. Imisa jeer ayuu hadda ka hor arin fajac badan inoola yimid; tanina waa mid kuwii hore uun la mid ah, ayuu raaciyey. Nimankii way qanceen dhamaantoodna waxay ku dhaceen dabinkii Cali oo ay farqaha wada jarteen.

Shirkii markii la yimid subixii xigay wuxuu Garaadkii fiirfiiriyey nin go’ dhinac go’an wata, hase ahaatee wuxuu arkay in ku dhawaad dhamaan ragga meesha jooga dacalku u wada jaran yahay. Talaa ku caddaatay oo in ninkii gedogedayn jiray ged cusub lasoo baxay ayuu xaqiiqsaday. Cawaysinkii ayuu xaaskiisii uga waramay in rag ilaa kontomeeya ah oo go’yaal dhinaca wada go’an wata goobta joogeen. Qosol ayey ka wareegtay, mar labaadna ku abhisay inuusan is mahadinin oo aan islaweyni indha duubin maxaa yeelay rag caqli u saaxiib ah oo kale ayaa Bartire dhex bariisan haya.

Habeenkii saddexaad ayuu Cali mar kale isku dayey inuu haweenaydii beerlaxawsado isagoo kolba sheeko cusub oo tii hore ka macaan u saaraya. Way uga dhaaratay inay waxba ka yeesho oo inna wax beer nugayl ah wuu kala kulmi waayey. Waxay damacday inay fashilkiisa si habboon uga shaqayso iyadoon rag isku dilin. Waxay haddaba la gashay sheekooyin kale duwan oo dhacdooyin hore sida dagaalo, taariikho, jacayl iwm isagu jira oo Bartire dhexdiisa ah. Habeenkii oo dhan ayey halkii fadhiyeen oo sheekaba sheekay keentaaye barigii kalana waa tiida gureen, siddii laba ruux oo waligood is yaqaanay in muddo ah aan is aragna u sheekaysteen iyadoo waliba aqalka daahu u xidhan yahay. Goor ay waa soodhawaadkii tahay ayuu Cali is arkay isagoo gunduruxsanaya oo wakhtigiiba illoobay, markaa ayuu gurigiisii u dheelalaabay isagoo og in mar dhaw shirkii la isugu iman doono.

Waagii haddii uu baryey ayaa Garaadkii reerkiisii soo bariidiyey isagoo waliba hinfidh ka muuqdo; naa maxaa la sheegay? Nabad iyo naxariis. Oo xalay oo dhan aqalka daahu wuu u dheeraaye see wax u jiraan? Waxba ma jiraanee, adigu saw ima aaminsanid aniga, ayey wediisay. Wanaag iyo intii dumar lagu raaco oo dhan ayuu ku yaqaanay, wax uu u aamini waayana hadda ka hor kuma arag sidaa daraadeed waxaa u banaanaa oo kaliya inuu yidhaahdo haa oo waan ku aaminsanahay. Sidaa unbuuna yidhi.

Haddaba haddaad i aaminsan tahay xalay oo dhan ninkii isagaa ahaa ayaa guriga joogay oo aanu sheekaysanaynay wax aan sheeko ahaynna nama dhax marin ayey u celisay. Markaad maanta geedka tagtaan waxaad ku garan doontaa sifo uusan xariifnimo kale oo uu ku badalo heli karin. Oo maxay tahay ayuu Garaadkii weydiiyey. Waxaad arki doontaa ileen waa nin xalay oo dhan soo jeedayee isagoo madaxa hoogaaminaya oo lulmoonaya. Waayahay bal aniga iyo isaga ha laysku eego maanta, ayuu yidhi.

Geedkii ayaa raggii isagu yimid. Cabbaar haddii uu fiirfiiriyey waxay markiiba ishiisu qabatay barbaar gooni ragga uga fadhiya oo aad moodo inuu xadraynayo. Waa sidee saaxiib, maxaad ugu lulmoonaysaa shirka dhexdiisa? Miyaadan xalay seexan? ayuu Garaadkii weydiiyey. Talo faro ka haaday, ma is tidhi? Maya, kama haadin ee Cali nin garashadiisu gaashaan qaad tahay ayuu ahaaye markiiba wuxuu gartay ujeedada hoose ee su’aasha Wiil Waal, si degani iyo kalsooniyi ku jirtana ugu jawaabay “maya Garaad ma lulmoonayo ee waan hammiyey.” Oo maxaad ku hammiday ayuu si cadho ku jirto u weydiiyey? “Waxaan ku hammiyey; lugo goroyo ma horaa, mise waa dib” ayuu si dhiiran Cali ugu jawaabay.

Garaadkii oo markiiba fahmay in ninku ninkii xariifka ahaa ee haweenaydiisa shukaansaday yahay ayaa qosol la dhacay. Waxaad tahay damac-badanihii isaga ahaa ee aan dhawrka jeer ku guuldaraystay inaan helo; saw ma aha adiga ninka xaaskayga hunguriyeeyey? ayuu Wiil Waal si cod dheer u yidhi. Guurtidii geedka fadhiday ayaa mar qudha dhinaca Cali wada eegtay iyagoo mindhaa u naxsan, aayo xumada uu la kulmi doonana ka welwelsan. Waxay islahaayeen koley yarku ciqaab mudaye, ciqaabtaasi ma dil qudh-gooye ahbaa mise waa dakhar in badan uu la dhul jiifi doono! Waxaa laabtooda ka guuxday su’aasha ah tolow inta ficil xumo badatay see Garaad Wiil Waal reerkiisa Cali u hawaystay!

Cali isagoo raba inuu jawaabo oo is xujo bixiyo ayaa intuusan wali hadlin Garaadkii hadalkii mar kale qaatay oo soo jeediyey dhammaan guurtidii geedka fadhiday isagoo leh: “Bartirow i maqal, haddii tii Rabbi ii timaado waxaad hoggaamiye ka dhigataan oo aad doorataan wiilkaa yar, maxaa yeelay waa nin garasho culus oo aan iga dhicin dabagalkiisana aydaan ku khasaaraynin.“

Intaasi hadday Garaadka afkiisa kasoo baxday, qosol gariir male beenoobay uu sababay ayaa wajiyada guurtidii geedka fadhiday ka muuqday, waxayna mar kale si hambalyeyn u eg u wada eegeen dhinacii Cali geedka ka fadhiyey madaxana u yara gundhiyeen. Calina shaw is yar atooree oo inuu mansab hor leh oo uusan Bartire ku dhex lahayn ku yeelan doono niyadiisa u sheeg.

Halkaa ayey Cali iyo Garaad Wiil Waal isku barteen, raadintii iyo rabitaankii Calina ku ibo beelay, haweenaydiina ku badbaadisay colaad iyo ciil sokeeya iyadoo naf ahaanteeduna ceeb-ka-saliim ah.

Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com
Share this article :





 
Support : Baargaal Media
Copyright © 2014. BAARGAAL.NET - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Modified by CaraGampang.Com
Proudly powered by Blogger